Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo Mareykanka uga mahad celisay duqeyntii Daacish

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray Duqaymo xooggan oo galabta laga maqlay  jihooyin dhawr ah oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo ay ciidanka dowladda Puntland ku baacsanayaan kooxfa Daacish.

Ku dhawaad 6 duqaymood ayaa ka dhacay goobo kala durugsan kuwaasoo jugtoodu culus tahay gaar ahaan deegaanka Qurac, iyo buurta waqooyiga kaga aaddan, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa War saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka Bari.

War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyntan la beegsadeen xubno badan oo ka tirsan Daacish, waxaana duqeynta fuliyay labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu amray weerar cirka ah oo ka dhan ah madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiisha qorsheysa weerarada iyo kuwa kale oo iyaguna ka tirsan Daacish.

“Gacan ku dhiiglayaashaasi oo aanu ka helnay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya godad, ayaa khatar geliyay Mareykanka iyo xulufadeenna. Duqeymaha ayaa burburiyay gudadki ay ku noolaayeen, waxana lagu dilay in badan oo ka mid ah argagixisada iyadoo aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.”

HOOS KA AKHRISO QORAAL MAHAD CELIN AH OO KA SOO BAXAY PUNTLAND

Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan  Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)

Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Arrimo kala duwan kala hadlay Suldaan Saciid Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirada A/Gudaha Germany oo si cad ugu xad gudubtay amarkii dowlada Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoys 7-qof ka koobnaa oo qaraxyo Ismiidaamin ah ku qaaday kaniisado (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---