Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa War saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka Bari.
War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyntan la beegsadeen xubno badan oo ka tirsan Daacish, waxaana duqeynta fuliyay labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.
Duqeyntan ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA AFRICOM IYO SAWIRADA DAYUURADAHA FULIYEY WEERARKA
Iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday duqeymo ka dhan ah Daacish-Soomaaliya Febraayo 1, 2025.
Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya lagu dilay duqeynta oo aysan jirin dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin waa weyn oo looga hortagayo waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxaana ay bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ku habboon. Faah faahin gaar ah lagama bixin doono howlgalka si loo sugo ammaanka howlgallada.