Madaxweynaha Mareykanka ayaa amray duqeymo xoogan oo ay ciidanka Maraykanka ka geysteen galabta buuraleyda Calmiskaat ee Puntland
Duqeymahan oo aad u xooganaa ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, waxaana soo baxay in khasaare xoogan galabtay loo geystay.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in Argagixisada la ciribtiri doono.
“Saaka waxaan amar ku bixiyay in si sax ah loo duqeeyo Daacish iyo Argagaxisada kale. Gacan-ku-dhiiglayaashan oo aanu helnay in ay ku dhuumaaleysanayaan godadka ayaa u hanjabay Maraykanka iyo xulafadayada. Duqeymahan ayaa lagu burburiyay godad ay ku noolaayeen, waxaana lagu dilay argagixisa badan. Milatarigeenu waxa uu bartilmaameedsanayay Qorsheeyaha Weerarka ISIS muddo sanado ah, fariinta aan u dirayo ISIS iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa Mareykanka ayaa ah “waan ku heli doonnaa, waana ku dili doonnaa!”ayuu yiri Trump.
Maalmo kahor, Saraakiisha Mareykanka ayaa tagay magaalada Boosaaso, oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland