Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somaliland oo go’aano culus soo saaray

Madaxweynaha Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenku  ayaa maanta fadhi aan caadi aheyn iskugu yeedhay Xubanaha Golaha Wasiirada, si uu xog warran guud uga siiyo Safarkii Shaqo ee uu dhawaan Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen Dawalda Imaraadka sidii labada Dal ay iskaga kaashan laahayeen arrimo door ah, gaar ahaan:

  1. Sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta,
  2. Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaalaha, Shaqo-abuurka, Maalgalinta Mashaariicda Horumarka, Maaligalinta Beeraha, Xoolaha, Waxbarashada, Maalgalinta Macdanta iyo Shidaalka, Iskaashiga Bangiga dhexe, sii amba-qaadka balaadhinta Maalgashiga DP World, iskaashiga arrimaha Amniga, iyo arimo kale oo mudnaan u leh labada dal.

Madaxweynuhu waxaa uu Golaha Wasiirada u sheegay in isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey muddadii 4 cisho ahayd ee ay joogeen dalka Imaraadka Carabta ay kulamo kor u dhaafaya 10 kulan ay la yeeshay Masuulyiinta ugu sarreysa Imaraadka carabta.

𝐆𝐨,𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲  𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 .

Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saarey Go’aamo ay cod gacan taag ah ay ugu codeyeen Golaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa .

𝟏. Go’aan Gole oo  ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Go’aankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.

𝟐. Golaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:

𝐀) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).

𝐁) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).

𝐂) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).

𝐃 ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).

𝐄 ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Golaha Wasiiradda ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:

𝟏)  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

𝟐)  Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,

𝟑) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.

𝟒) ⁠Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.

𝟓) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Related posts

Wareega Cimriga Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Mooshinka Gudoomiye Jawaari !!

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo Cabsi lasoo daristay iyo Warbixin Digniin ah oo lasii daayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---