Allbanaadir.com
NEWS

Su’aalo ka dhashay kulan dhexmaray James Swan & Rooble

Magaalada Muqdisho waxay martigalisay kulan aan su’aalo badan dhaliyey kaasoo dhex maray Raisal Wasaare hore Mohamed Hussein Roble iyo Wakiilka UN-Ka ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu Rooble ka degan yahay magaalada Muqdisho

Kulanka waxyaabaha looga hadlay wax badan lagama oga, balse inta ay labada masuul bulshada la wadaageen ayaa waxaa ka mid ahaa inay isla faaqideen arrimaha doorashada oo muran xoogan uu ka taagan yahay mase jirto il xog ogaal ah oo wax intaas ka duwan ka sheegtay.

Hase ahaatee waxaa kulankan uu dhalliyay dhawr su’aalood, kuwaasoo ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasada Somalia

Rooble waa Raisul Wasaarihii maamulay doorashadii 2021-2022, waana masuulkii qorshiihii doorashada la rogay Madaxweyne Farmaajo oo doonayey inuu doorashadaas u maamulo si isaga dantiisa ay ku jirtay waxaana la isweydiinayaa haatan waxaa keenay inuu Swan booqdo guriga Rooble oo hadda aan xil dowladeed welina ku biirin mucaaradka.

Rooble wuxuu ahaa saaxiib ay isku dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaase dhowaanahan la Isla dhex marayey inay kala tageen, haatan mala dhihi karaa wuxuu ku soo biiray Saamileyda Siyaasadda ee  doorashada soo socota? Muxuuse ku kordhin karaa culeyska mucaaradka haddii uu ku biiro dhankooda?

Markii xaaladaha siyaasadda Soomaaliya ay cakirmaan UN-ka wuxuu hoggaaminayey faragalinta ay deeq bixiyeyaasha ku sameynayaan arrimaha Soomaaliya, haatan dhaqaaqa Swan ee ku billowday booqashada Guriga Rooble, ayna ku soo xigto booqasho uu ku tagi doono Guryaha siyaasiyiinta mucaradka ma loo fasiran karaa hordhaca tallaabooyin ku soo wajahan dowladda?

Horey caadi uma aheyn Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey inuu guryahooda ku booqdo Madaxdii hore, Rooblena waxaa la dhihi karaa waa masuulkii ugu horreeyey, mala sii odorosi karaa muraadka sidaas u weyn ee Swan ka galay Roble iyo kuwa kale ee uu booqan doono.

Related posts

Putin oo 24 saac ka dib ka hadlay shilka sababay geerida Prigozhin, kuna tilmaamay..

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weeraro rogaal celis ah ku qaaday degaanadii laga saaray qaarkood

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---