Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka soo laabtay safarkii Muranka dhaliyey

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku laabtay maanta. Kadib sadex isbuuc oo uu magaalada Nairobi ku sugnaa.

Axmed Madoobe oo dayuurad gaar ah ay ka soo qaaday Nairobi ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhoweeyey Ku-xigeenadiisa qaarkood, masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa iyo dadweyne.

Safarka Hogaamiyaha Jubbaland uu ku tagay Nairobi ayaa waxaa si weyn uga carootay dowlada federaalka Somalia oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo taasoo xanibaad dhinaca safarada ah ku soo rogtay Axmed Madoobe.

Dowlada Federaalka ayaa horay Kenya u weydiisay fasiraad ku saabsan safarka Axmed Madoobe oo dayuurad gaar ah oo ka timid Kenya ka qaaday magaalada Kismaayo hase ahaatee Kenya ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka DF.

Kenya iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo wada shaqeyn la xiriirta la dagaalanka Al shabaab, waxaana degaanada Jubbaland meelo ka mid ah saldhigyo ku leh ciidamo Kenyan ah oo hoos taga howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheysan maanta lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoorqoor & Wakiilada beesha caalamka?

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Colaada ka aloosan magaalada Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---