Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Gorgor (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kummaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed— ayaa sheegay in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta— ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaasoo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Doorashada kursigii marxuum Cabaas Siraaji ee ka dhacday Kismaayo oo lagu guuleystay

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Sargaal katirsan Al Shabaab (Magaca)

Cabdi Cade

Hogaamiyaal Caan ah oo qaatay baasaboor been abuur ah (Sawirro Cadeymo ah) 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---