Duqaymo xooggan ayaa galabta laga maqlay jihooyin dhawr ah oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo ay ciidanka dowladda Puntland ku baacsanayaan kooxfa Daacish.
Ku dhawaad 6 duqaymood ayaa ka dhacay goobo kala durugsan kuwaasoo jugtoodu culus tahay gaar ahaan deegaanka Qurac, iyo buurta waqooyiga kaga aaddan, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan.
Duqeymahan ayaa la waxaa fuliyey sida wararku sheegayaan ciidamada Mareykanka oo xaga cirka ka taageeraya howlgalka cidanka Puntland ka wadaan goobahaas kaasoo ujeedadiisu tahay in la soo afjaro kooxda Daacish
Dhinaca kale, Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar ka soo baxay ayaa loo daabulay furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasoo uu Todobaadkan ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Daacish.
Ciidamadan oo ku gaashaaman Hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ayaa si toosa qeyb uga noqonaya wejiga labaad ee hawlgalka lagu dabar-goynayo Daacish oo weli ku go’doonsan godad ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo shalay ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sheegay in jiho kasta laga go’doomiyay mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana ay dowladdu qorshaysay in ay noqdaan wax dhinta iyo wax la qabtay, kaddib markii dagaalku bilowdo.