Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay saddex nin oo Israa’iiliyiin ah oo ay haysteen, iyadoo taa beddelkeedana Israel ay sii deysay tobanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ah ka socday Gaza.
Ofer Kalderon, oo haysta dhalashooyinka Faransiiska iyo Israa’iil, iyo Yarden Bibas ayaa lagu wareejiyay saraakiisha Laanqayrta Cas ee magaalada Khan Yuunis oo ku taalla koonfurta Gaza ka hor inta aan loo sii gudbin Israel. Keith Siegel oo u dhashay Israa’iil iyo Mareykanka ayaa isna lagu sii daayay oo Laanqeyrta Cas lagu wareejiyay dekedda Magaalada Gaza.
Saacado ka dib, ayaa 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii daayay iyagoo bas lagu geeyay magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u tiro badan oo sugayay soo deyntooda.
Marinka dhowaan dib loo furay ee Rafax ee ku yaalla xudduudda koonfureed, bukaannadii ugu horreeyay ee Falastiiniyiin ah ee loo oggolaaday in ay ka baxaan Gaza, oo ay ku jiraan carruur la ildaran kansarka iyo cudurrada wadnaha, ayaa la filayaa in ay Masar ugu gudbaan bas ay keentay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Sii deyntan ayaa 18 ka dhigeysa tirada guud ee la haystayaasha ilaa hadda la sii daayay, waxaana ku jira shan qof oo u dhashay Thailand, oo ka mid ahaa dadkii lagu sii daayay si aan horey u sii qorsheysneyn Khamiistii.
Ilaa maanta, Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 583 maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan maleeshiyaad xabsi daa’im ugu xukunnaa weeraro dad lagu dilay iyo sidoo kale qaar lagu xiray dagaalka balse aan dacwad lagu soo oogin.
Gudaha Israa’iil, dad badan ayaa isugu soo baxay goob ku taalla magaalada Tel Aviv oo loo yaqaanno Hostage Square si ay sii deynta uga daawadaan shaashadaha, iyadoo farxad iyo sacab ay isla dhex qaadeen markii ay saddexda nin ka soo muuqdeen shaashadda.
Iyadoo uu joogsaday dagaalku, waxaa xoogeystay dadaalka diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in heshiiska la ballaariyo.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa in uu Talaadada la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayna ka hadlaan xabbad joojinta Gaza, iyo suurtagalnimada in la caadiyeeyo xiriirka Sucuudiga iyo Israa’iil oo qayb ka ah heshiis ay u badan tahay in xoogga la saaro dagaal ka dib.
Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaa lagu heshiiyay in la sii daayo 33 carruur ah, haween iyo rag waayeel ah, iyo sidoo kale dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawacyada, iyadoo in ka badan 60 nin oo da’da militariga ah loo dhaafay sii deyntooda in looga wada hadlo wajiga labaad.
Wada xaajoodyada ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan maalinta Talaadada ah, waxayna ku saabsan yihiin heshiisyada lagu sii deynayo la haystayaasha haray iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza kaasi oo noqonaya wejiga labaad ee heshiiska lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Xabbad-joojinta muddada lixda toddobaad ah ee ay garwadeenka ka ahaayeen dhexdhexaadiyayaasha Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa ilaa hadda ku socotta wadadii saxda ahayd inkasta oo ay dhaceen dhawr dhacdo oo sababay in labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyo in uu jabiyey heshiiska.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA