Allbanaadir.com
NEWS

Nin qaraxyo kusoo qariyay Darmuusyo oo la qabtay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu qaraxyo magaalada soo galinayay.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay darmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay agabkaasi qaraxyo lagu soo qariyay.

Ninkan ciidamada ammaanka qabteen lagu magacaabo Abuukar Illey, waxaana la sheegay ninkan in horey looga shakiyay looguna xiray xabsiga magaalada Xarardheere, ayaa markii dambe qaab damiin ah lagu siidaayay.

Laamaha ammaanka degmada Xarardheere , ayaa hadda baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya ninkan qaraxyada loo soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha baarayaan cidda usoo dhiibtay qaraxyada iyo cidda lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo.

 

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo iyo xubno la socday oo ka badbaabay Weerarkii Nairobi

Cabdi Cade

Warar sheegaya in uu xanuunsan yahay Madaxweyne Putin iyo Kremlin-ka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dhul-gariir laga cabsi qabo inuu ka dhaco qeybo ka mid ah Somalia & digniino laga bixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---