Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro katirsan Xisbiga Daljir oo xilka laga qaadayo iyo Sababta keentay

Sida aan xogta ku helnay isku-shaandheyn ayaa lagu sameenayaa Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya, waxaana meesha ka bixi doono qaar kamid ah Wasiirradda ugu muhiimsan Xukuumadda Soomaaliya.

Isku-shaandheynta Wasiirradda ku baxaya ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo la sheegay in lagu beddelayo Mahad Salaad, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin oo lagu beddelayo Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari oo isna lagu beddelayo Kamaal Guutaale.

Xubnahan Wasiirradda ee Xisbiga Daljir, ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka shakiyay siyaasadooda, waxaana xubnahan qaarkood marar badan la kulmeen Madaxweyne Siciid Deni oo Musharax Madaxweyne ah iyo xubno kale oo mucaarad ah ay xiriiro la sameeyeen.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin oo guddoomiye u ah Xisbiga Daljir, ayaa sidoo kale la ogaaday in uu qorsheenayo in Madaxweyne isku sharaxo, waxaa sidoo kale Xasan Macallin laga soo xigtay in haddii xilka Madaxweynaha waayaan dhisanayaan Siciid Deni , si ay uga helaan kursiga Ra’isul Wasaaraha.

Wasiirradan Xukuumadda kasoo galay xisbiga Daljir ayaa hadda ka shaqeenaya sidii ay uga badbaadi lahaayeen seefta xil ka qaadista, waxa ayna xubnahan Madaxweyne Xasan ka codsadeen in ka raalinoqdo uuna siiyo fursad uu kula sii shaqeeyaan.

Related posts

Turkiga oo xirxiray 44 qof oo basaasiin u ahaa sirdoonka Israel ee Mossad

Caydiid Ali

(Akhriso) Gudoonka Baarlamanka Puntland oo ka hor yimid go’aankii Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Labo Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Qudus iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---