Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo la kulmay guddi uu u xil saaray tirakoobka Ciidamada

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulankii ugu horreeyey la yeeshay guddidii uu dhawaan u xil saarey tirokoobka, dib-u-habeynta iyo casriyeenta ciidamada kala duwan ee Somaliland, guddidaas oo ah kuwa jaan-goyn doona siyaasada lagu hagi doono dib u habeynta ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Ugu horrayn Madaxweynaha maamulka Somaliland waxuu warbixin xaga amiga dalka ka dhegaystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee maamulka Somaliland..

Masuulyiintani waxa ay Madaxweynaha war bixin ku siiyeen in guud ahaan Amniga Qaranku uu sugan yahay, Ciidamada kala duwan ee Qarankeenuna ay diyaar u yahiin in ay difaacaan dalka iyo dadka-ba.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn guddida u sheegay in shaqadii uu u igmaday ay ka bilaabmayso maanta oo ay bishu tahay 01.02.2025, guddidana looga fadhiyo inay hawshaas ku soo dhameys tiraan muddo soddon maalmood ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumad ahaan ay mudnaanta koowaad siinayaan in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo xurguf kasta oo jirta, laakiin difaaca dadka iyo dalku uu yahay Waajib Qaran oo loo dhaariyey.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan uu u sheegay in casriyeenta iyo mideynta cududda Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay dammaanad u tahay nabada iyo xasinoolida Qarankeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha amaanka oo bedelay howlgalkii QM ee Somalia

Caydiid Ali

Aqalka sare oo ka hadlay Heshiiska Farmaajo la sheegay in uu la galayo Eritrea iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Internet xumo ka jirta dalal kuyaalla Bariga Afrika iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---