Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cusmaan ayaa kka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Al Shabaab looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda , ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga dadweynaha oo iskaashanaya ay dagaal xooggan ku qaadeen kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Hiiraan, halkaas oo iyaga amiiradooda jab xooggan lagu gaarsiiyay.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay qaadeen ku dileen rag ajaaniib ah oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaas oo u soo duulaan tegay sidii ay u gumaadi lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.
”Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliya la wadaago waxay tahay dagaalladii dhacay waxaa ku dhintay dad ajaaniib ah oo Soomaali ahayn oo halkaa ku jira buuraha dhexdooda oo annaguba lafahheyga ugu noolaan karin keyntaa inaan ku noolaado aysan suurgal iga ahayn baa qof ajanabi oo waxa uu u socda la garaneyn baa buurtaa ku dhintay shalay, amiiro badan ayaa lagu bur buriyay meesha, qaar aan deegaankooda halkan ahayna wey ku dhinteen meesha, inta hartayna waa laga sifeynaa Alle idimkii,”.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha oo dadaal ugu jira sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Al Shabaab uu sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed in dhibaato badan ku hayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com