Allbanaadir.com
NEWS

Maxey ka dhigan tahay Xamaas in xilligan ku dhawaaqdo geerida Maxamed Dayf ?

Ku dhawaad labo toddobaad kaddib, markii uu heshiiska xabbad-joojinta ka dhaqangalay marinka Qasa, guutooyinka Al-Qasaam , garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa galinkii dambe ee Khamiistii daraad (30,Jannaayo,2025), waxaa ay ku dhawaaqeen geerida taliyahoodii ,Maxamed Dayf iyo shan xubnood oo ka tirsan golaha ciidan ee Xamaas, oo uu ku jiray taliye ku-xigeenkii Qasaam, Marwan Ciise oo loo aqoonsanaa inuu yahay gacanta midig ee Maxamed Dayf.

Matoorkii iyo maskaxdii Xamaas;

Maxamed Diyaab Ibrahim Al-Masri, ayaa loo bixiyay markii uu ku dhashay xero qaxooti oo ku taal Khan Yunis oo ka tirsan koonfurta Qasa, sannadkii 1965,wuxuu halkaa ugu dhashay , sababtoo ah waxaa dhalay qoys qaxooti falastiiniyiin ah oo lagu qasbay in ay ka barakacaan magaaladoodii Al-Qubayba oo kaliya 55 km u jirta magaalada Qudus ee dhulka la heysto ee Falastiin.

Maxamed Al-Masri, wuxuu markii dambe la baxay Dayf oo macnaheedu yahay “marti”, waxaa kalo Falastiiniyiinta ay ugu yeeri jireen Abuu khaalid. Waxaa la sheegaa inuu waxbarashadiisa iskuulka isaga haray si kumeel-gaar ah si uu u caawiyo qoyskiisa oo ahaa kuwa aad sabool u ah , wuxuuna caawin jaray Aabbihii oo bakhaar xaafadeed yar ku lahaa Qasa, wuxuuna qabtay shaqooyin kala duwan carruurnimadiisa oo u badan kuwa farsamada gacanta , si uu nolasha qoyskiisa u maareeyo, xaaladda saboolnimo ee aad u hooseysay ee qoyskiisa ayaa u rogtay inuu noqdo qofka maanta ee lagu sheegi karo; matoorkii iyo maskaxdii ururka Xamaas..!

Dayf, wuxuu ku laabtay waxbarashada isagoo jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa ka qallinjabiyay Culuumta luuqada carabiga , waxaad kaloo heli karta inuu culuumta kimistariga ka bartay isla Jaamacadda Qasa, halkaa oo uu ka aasaasay koox faneed illaa uu gacan ka geystay aasaasidda kooxdii ugu horreysay ee faneed Islaami ah ee loo yaqaan “al-caa’iduun” ama “kooxda dib udejinta”. Ardaynimadiisii waxaa uu ahaa mid aad u firfircoon illaa uu noqday xubin kamid ah ururka ardayda oo ah halka uu kaga biiray aasaaska Xamaas.

Waxyar kadibba asaaska kooxda waxaa uu noqday mid kamid ah xubnaha lagu billaabay Xamaas, isagoo kamid noqday dadkii ugu horreyey ay Israa’iil u xirtay ,inuu xambaarsanyahay fikirka gumaysi diidka ah. Israa’iil ayaana xabsiga dhigtay Maxamed Dayf, sannadkii 1989-kii,wuxuuna ku jiray muddo sannad iyo afar bilood ah. Markii ay Israa’iil si iskeed ah usoo daysay Maxamed Dayf, sannadkii 1992 bilowgiisii waxaa uu la kowsaday aasaaska dhaqdhaqaqa garabka hubaysan Xamaas ee Al Qasaam, waqtigaa oo uu noqday qofkii ku xigay , Maxamed Shaxaadah oo lahaa soo jeedinta in la dhiso garabka hubaysan ee Xamaas ee qaatay magaca Qasaam.Sannadii 1993 ayuu u wareegay Dayf iyo koox kamid ah saraarkisha Xamaas dhanka Daanta galbeed, halkaas oo ay ka billaabeen abaabulka iyo tababbarka dadka daanta galbeed, intuu dhaqdhaaqa kujiray waxaa xabasiga u taxaabay maamulka reer Falastiin haysay ee Fatax. Sannadkii 1996 waxa uu hoggaamiyey hawlgal lagu dilay illaa 50 askarta ciidanka Israa’iil , weerarkaa ujeedkiisa wuxuu ahaa in loogu aargudo, hoggaamiyihii Daanta galbeed ee Xamaas, Yaxye Ciyaash oo ay Israa’iil dishay sannadkii 1996.

Maxamed Dayf intuu Daanta galbeed joogay waxaa uu lasoo baxay karti hoggaamineed iyo fikrad isbeddel. Waxaana uu kooxda Qasaam kusoo kordhiyey in laga beddelo koox fulisa kaliya weerarro gaadmo ama kudhfo oo kadhaqaq wax kudisha, wuxuuna ka mid ahaa sariikiisha keentay in ladhiso guuto dhan, sidoo kale Dayf, waxa kasoo maaxatay aragtida samaynta gantaallada iyo hubka ay awooday Xamaas inay kala hortagto quwaddii militariga iyo sirdoonka ee reer galbeedka ugu horreeyo Mareykanka ee ku taageerraya xasuuqa ay Israa’iil 15-ka bilood ka waddo marinka Qasa. Maxamed Dayf oo ah nin farsamo badan, wuxuu diiwaanka Xamaas kaga jira inuu ahaa farsama-yaqanka ugu sarreeya ururka, sababtoo ah haddii uu hinsiday fikradaha lagu soo saaray hubka, waxaa kalo uu leeyahay aragtida lagu hirgeliyay dhismaha gododka Qasa ee u diidday Israa’iil inay gaarto maxaabiista iyo saraakiisha Xamaas ee ku hoos jira marinka Qasa, tani waa sababta aan kugu sheegayo inuu ahaa matoorkii iyo maskaxda Xamaas..!

Inkastoo oo Khamiistii shalay ay xaqiijisay Xamaas inuu geeryooday intii u socday dagaalka marinka Qasa ee soo bilowday 7 bishii Oktoobar,2023, haddana sannadihii la soo dhaafay,wuxuu ku dhowaa in lagu dilo shan isku day dil oo la isku dayay sannadihii ; 2001, 2002, 2003 iyo 2006, iyo iskudaygii u dambeeyay oo dhacay sannadkii 2014-kii.Intii lagu jiray dagaalka hadda socda bartamihii bishii July sannadkii 2024 -gumaysiga Israa’iil ayaa diyaaraddo ku weerarray teendhooyin ay dad barakacayaal ah degganyihiin oo ku yaalla deegaanka Mawasi ee Khan Yunis oo ka tirsan koonfurta Qasa, halkaa oo ay ku dhufteen bambooyin uu Mareykanka soo saaro oo aan horey loo arag oo ku dhex qarxay dhulka hoostiisa , weerarka oo ay ka dhalatay dhimashada 90 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 300 oo kale, waxay gumaysiga Israa’iil ku sheegeen inay ku dileen Maxamed Dayf iyo madaxii Qasaam ee Khan Yunis, wallow ay markaa awooddii waayeen inay ‘dhahaan waan hubnaa’, taa beddelkeeda waxay sheegeen inaysan xaqiijin karin xaaladda uu ku suganyahay Maxamed Dayf oo ahaa qofkii u horreeyay ee shaaciyay howlgalka daadadka Al-aqsa, subixii uu dhacay weerarkii 7-dii Oktoobar,2023, kaddib markii la baahiyay cod uu soo duubay. Sheegasha dilka Maxamed Dayf ee ka soo baxday Israa’iil, waxaa beenisay Xamaas oo ku sheegtay mid lagu doonayo in lagu qariyo ‘xasuuqa ay dadka rayidka ah Israa’iil ugu geysatay xerada qaxooti ee deegaanka Mawasi. Saraakiisha Xamaas, ayaanna ku celceliyay inuu nool yahay Maxamed Dayf.

Hadda, waxaan soo gaarnay waxa aad doonaysid inad oggaato; 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙓𝙖𝙢𝙖𝙖𝙨 𝙬𝙖𝙦𝙩𝙞𝙜𝙖𝙣 𝙪𝙜𝙪 𝙖𝙖𝙙𝙞𝙨𝙖𝙮 𝙞𝙣𝙖𝙮 𝙨𝙝𝙖𝙖𝙘𝙞𝙨𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙢𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝘿𝙖𝙮𝙛 𝙤𝙤 𝙢𝙪𝙙𝙙𝙤 𝙙𝙝𝙚𝙚𝙧 𝙡𝙤𝙤 𝙦𝙖𝙧𝙞𝙮𝙖𝙮?

Xamaas, oo aan horey looga baran inay daboosho ama isla waqtigaa aysan soo bandhigin dhimashada saraakiishooda, ayaa markii u horreysay si ula kac ah dib u dhigtay inay shaaciso dhimashada lix sarkaal oo ka tirsan safka hore ee garabka militariga Xamaas ee Qasaam oo uu ku jiray ninka cabsida iyo loogu doonista badnaa dhinaca Israa’iil ee Maxamed Dayf, si cad in muddo lix bilood ka badan dib loo dhigo shaacinta dhimashada Dayf iyo saraakiisha Qasaam, waxay u muuqataa inay la xiriirtay inay Xamaas diyaarisay hab-raac ay u qorsheysay inay ku soo bandhigto dhimashada saraakiishan.

Marka dib loo raaco hab-raaca ay dejisay Xamaas, waxay u muuqataa in looga fogaanayay isla waqtigaa inay xaqiijiyeen dhimashada Maxamed Dayf iyo saraakiisha kale ,maaddamaa lagu jiray marxalad xasaasi ah oo dagaal iyo xilli adag oo ay Israa’iil sare u qaaday weerarradeeda xasuuqa ah,iyadoo ku andacoonaysa inay cadaadis militari ku burburinayso Xamaas, kagana soo furanayso maxaabiista lagu hayo Qasa,waxay ahayd waqti aan la sheegi karin dhimashada saraakiishan oo dhab ahaantii ku qasbi lahayd dagaalyahan kasta oo Xamaas iyo taageerrayaasha Qasaam inay si siman salka dhulka u dhigaan iyo xaalad aan la qaadan karin waqtigaa oo niyad-jab ah , iyadoo xaaladan laga fogaanayo waxay u muuqataa Xamaas, inay dejisay hab-raac dib loogu dhisayo hoggaanka Qasaam, si loo buuxiyo howlihii ay baneeyeen saraakiisha la dilay. Ka hor shaacinta, sidoo kale Xamaas, waxay diiradda saartay wax u muuqday in kor loo qaado kalsoonida dagaalyahannada iyo shacabka reer Qasa,wixii ka dambeeyay xilligaa ay ku aadantahay waqtiga loo badinayo inay Israa’iil dishay Maxamed Dayf, waxaa la arkay in sare loo qaaday howlgallada ay fulinayaan Qasaam oo la soo baxayay maalinba maalinta ka dambeysay habab farsamo oo istiraatiji ah oo ay ku dileen askar badan oo Israa’iil ah, tani waxaa looga doonayay inay dirto farriinta ah in haddii xataa uu ‘geeryooday Maxamed Dayf’, ma dhiman Qasaam! mana jirin qof kale oo ka baxsan Xamaas oo garanayay inuu geeryooday Maxamed Dayf..!

Ma garanaysa sababta ay Israa’iil bishii December u qaadatay heshiiskii ay diidday bishii May,2024 ee Biden uu kaga dhawaaqay aqalka cad?

Israa’iil ayaa si cad u diidday inay qaadato wax heshiis xabbad-joojinta dagaalka oo uu ku jiro heshiiskii uu bishii May ee sannadkii hore soo bandhigay Biden, isagoo waqtigaa sheegay inay Israa’iil oggolaatay heshiiska, balse wax ka yar 24 saac hadalkan, waxaa soo baxay Netanyahu oo beeninaya inay wax heshiis ah qaateen ama ay oggolaanayaan, taa beddelkeeda wuxuu sheegay inay sii wadayaan dagaalka oo ay cadaadis militari ku burburinayaan Xamaas, miyuu ku saxnaa Netanyahu hadalkan? wax ka yar 6 toddobaad kaddib hadalkiisa waxay ku aaddaysa xilliga loo badinayo inay dishay Israa’iil, Maxamed Dayf iyo saraakiisha u sarreysay ee safka hore ee Qasaam, laakin taa oo jirta maxaa israa’iil loogu qasbay inay qaadato heshiiskii ay diidday bishii May oo ay u ansixiyeen bishii December,2024, xataa iyadoo aan waxba laga beddelin heshiiska?

Dabaqaayadii sannadkii hore,Qatar, waxay ku qasbanaatay inay shaaciso inay si kumeel-gaar ah uga baxday dhexdhexaadinta Xamaas iyo Israa’iil, sabab la xiriirta inaysan labada dhinac heshiis diyaar u ahayn, tan waxay ku cadaadisay Mareykanka iyo Masar, inay bixiyaan dadaal si Xamaas iyo israa’iil ay usoo gaaran xaalad ay heshiis ku gaari karaan, mar kasta oo waqtigaa ka mid ah Xamaas ayaa ku celcelisay xataa iyadoo Israa’iil ay si lama filan ah u dishay madaxii xafiiska siyaasadda iyo hoggaamiyihii Xamaas, Yaxye Sinwar bishii Oktoobar , isagoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta ay ka joogeen koonfurta Qasa , ciidanka Israa’iil, maaddama uu dilka u dhacay si lama filaan ah oo sirdoon iyo oggaanshaha ciidanka Israa’iil aan lagu dili Sinwar, waxay fadeexad usoo jiiday Israa’iil oo dunidda ay oggaatay inaysan Israa’iil hab militari iyo cadaadis militari uga adkaan karin Xamaas. Fadeexada iyo marxaladihii fashilka ahaa ee Israa’iil ay la kulmaysay , waxay ku guul-darraystay dhexdhexaadiyayaasha oo uu ku jiray Mareykanka inay ku qanciyo cadaadis militari inay uga adkaan karto Xamaas, oo ay ku soo celin karto maxaabiista ku xiran Qasa.

Israa’iil , ayaa waqtigaa dhexda u gashay fadeexad, markii ay wayday wax ay ku qanciso iyo inay soo bandhigto sawir guul ah oo ay ku gaari karto howlgalkeeda militari ee Qasa oo ay u adeegsatay dhammaan awoodeedii iyo wax kasta oo sirdoon,hub iyo tiknoolajiyad ay ka heli kartay Mareykanka iyo reer galbeedka , xaaladan ayaa ugu dambeyn ku qasabtay Israa’iil inay qaadato heshiiskii la soo bandhigay bishii May oo u qornaa waxa ay doonaysay Xamaas ee ah in la gaaro heshiis saddex waji ah oo ugu dambeyn lagu gaari karo soo afjarida dagaalka, kaa oo dhaqangalay labo toddobaad ka hor. Sharraxaadan waxaan ugu dheeraaday oo dib kugu celiyay , inan ku waydiiyo ka warran haddii Xamaas ay bishii July,2024 shaacin lahayd in la dilay safkii hore ee Qasaam oo ugu horreeyo Maxamed Dayf iyo Marwaan oo ahaa ku-xigeenkiisa, taasi dhab ahaantii waa wax ay israa’iil u sawiran kartay guul dhammeystiran, waxay heli lahayd taageerrada Mareykanka iyo in lala qaato in cadaadiska militari uu yahay mid lagu gaari karo burburinta Xamaas-

Xamaas, iyadoo arrintaa ka hortagaysa waxay u muuqataa inay dejisay hab-raac; waxaa Israa’iil sare loogu qaaday iska caabinta ay kala kulmayso Qasa oo laga dilay saraakiil sare , weerarro toos ah oo ay xataa ku jiraan is-miidaamin iyo bambooyinka Mareykanka ee uu siiyay Israa’iil ee Qasa lagu riday oo aan qarxin in dib looga farsameeyay qaraxyo aysan horey u arag Israa’iilna lagu beegsaday saraakiisheeda sare oo lagu qarxiyay taangiyada ay ku hoos jireen, illaa ugu dambeyntii la soo gaaray in Israa’iil , lowyaha ay dhulka dhigato oo ay qaato heshiis u qoran sida ay doonaysay Xamaas, oo ku qasbay qaar ka mid ah xubnaha midigta fog ee xukuumadda Netanyahay inuu is casilaan oo uu ku jiray wasiirkii xagjirka ahaa ee amniga Israa’iil, isagoo heshiiska ku sheegay mid guul-darro ah oo muujinaya in laga adkaaday Israa’iil..!

Dhaqangelinta heshiiska, waxay Xamaas u adeegsaday hab ay ku soo bandhigto awoodeeda ciidan iyo farsamo oo moral lagu siinayo dadka Qasa iyo dagaalyahannada Qasa, maalmaha la sii deynayo maxaabiista Israa’iil waxay u rogeen dadka Qasaam, maalintooda dabaal-degga iyo bandhigga geesiyaasha,sababtoo ah waxaa la sii daayay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo quwadihii reer galbeedka ay awooddi waayeen inay hab militari ama sirdoon ku gaaraan, halka dhinaca Israa’iilna ay albaabada xabsiyada askartooda fureen iyagoo lagu qasbay inay boqollaal falastiiniyiin ah xabsiga laga sii daayo, kuwaa oo qaarkood lagu riday xukun xabsi daa’im , balse iyagoo u mahadcelinaya Xamaas iyo dadka Qasa, waxay dib ula midoobeen qoysaskoodii , taasana waxay siisay dagaalyahannada Qasaam dhiirranaan, geesinimo iyo inay oggaadeen , waxa ay ku sameyn karaan Israa’iil oo ay u rogeen kuwa daciif ah, illaa laga maqlay telefishinka uu Netanyahu maalgeliyo ee Channel 14 in askarta Israa’iil, markii ay ka baxayeen Qasa inay ilmeynayeen oo ay kor ugu qaylinayeen inaysan waxba qaban oo dagaalkooda uu ku dhammaanayo guul-darro.

Muddada lagu jiray xabbad-joojinta, waxaa kalo dhacay wax ay Xamaas dunidda iyo Israa’iilba kaga yaabsatay, waa in uu bannaanka usoo baxay taliyihii guutada Al Qasaam ee Beyt Xanuun oo ka tirsan waqooyiga Qasa, Xuseen Fayyad, oo marar badan ay Israa’iil sheegtay inay dishay, markaa farriintu waxay ahayd in dunidda la tuso fashilka sirdoon ee Israa’iil iyo inay yihiin kuwa aan awoodin inay xaqiijiyaan weerarrada ay ka geysanayaan Qasa, tana dabcan waxay qeyb ka ahayd hab-raaca loo dejiyay si loo shaaciyo shahiidnimada Maxamed Dayf iyo saraakiisha sare.

In muddo dheer la qariyay dhimashada Maxamed Dayf iyo saraakiisha sare Qasaam, waxay sidoo kale argagax hadda ku ridaysa sirdoonka Israa’iil, sababtoo ah Xamaas waxay soo bandhigeen inay awood u leeyihiin inay muddo dheer qariyaan khasaaraha iyo haddii la dilo hoggaamiyayaashooda, waxaad xasuusan kartaa in Netanyahu uu kaga hormaray Xisbullah inuu bannaanka usoo baxay oo uu sheegay inay xaqiijiyeen dhimashada hoggaamiyihii Xisbullah, Xasan Nasrallah, laakin si taa ka duwan Netanyahu iyo sirdoonka Israa’iil, waxay awooddi waayeen inay sheegeen xaqiijinta dilka Maxamed Dayf, tana waa marxalad ku cusub sirdoonka Israa’iil oo toddobaad gudihii lagu tusay nolasha hoggaamiye sare oo Qasaam ah oo ay sheegeen inay dileen , taa oo lagu fadeexeeyay oo ay xigtay shaacinta dhimashada Dayf iyo saraakiisha sare, tani waa inay Xamaas, tahay cidda kaliya ee xaqiijin karta ‘dhacdooyinka ka dhacaya Qasa’, fallanqeeyaasha sirdoonka Israa’iilna, kaliya waxay u dhaxeynayaan is waydiinta dhacdo kasta oo ka dhacda Qasa , haddii ay sheegtaan inay ku xigi karto ‘ in bannaanka loo soo saaro nolasha , sida madaxii Qasaam ee Beyt Xanuun, mise waa la qarin doonaa’, sababtoo ah dunidda waxay ku kalsoontahay Xamaas, oo awoodday muddo lix bilood ah inay qarisay dhimashada saraakiil sare oo muddo dheer ay ku daba jireen sirdoonka Israa’iil, isla sidaa waxay bannaanka usoo saareen hoggaamiye militari oo ay horey ugu celcelisay inay dishay Israa’iil..!

Inta aan tan ka bixin, waxaan ku siinaya hal tusaale; wax ka yar 24 saac markii Xamaas ay shaacisay shahiidnimada Dayf iyo saraakiisha sare, Netanyahu wuxuu soo muujiyay inuu dhexda u galay xaalad argagaxleh , isagoo si deg deg ah ugu yeeray saraakiisha militariga, sirdoonka iyo xubnihiisa golaha amniga, si wada-tashi uga yeeshaan inay heshiiska ka baxaan ama la diiddo wajiga labaad ee xabbad-joojinta si ay dagaalka ugu laabtaan, sida telefishinka Al Jazeera uu ka soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 12, tani waxay ku filan tahay inay xaqiijisay haddii waqtiga dhimashada Maxamed Dayf la shaacin lahaa, waxa dhici lahaa, kaliya waa ‘Israa’iil oo diiddi lahayd heshiis,iyagoo dhimashada saraakiisha guul u sawirranayana waxaa ay heli lahaayeen cududaar ay ku xoojiyaan weerarradooda iyo duqeymaha goobaha ay dadku ku barakaceen.

Hadda, waxaa la gaaray inad is waydiiso, haddii guushaa lagu gaaray qarinta saraakiisha, may Xamaas ku sii jirto xaaladda qarinta?

Dabcan, waqtiga lagu soo aadiyay shaacinta saraakiisha sare, waxay ka dhigantahay in la xalliyay dhibaatooyinka oo la buuxiyay boosaskii ay ka baxeen, sababtoo ah dadka Qasa iyo dunidda kale waxaa ay horey ugu xaqiijisay Xamaas inaysan ku taagnayn hoggaaminta hal hoggaamiye, oo ay ugu dambeysay dhimashadii Yaxye Sinwar, waxa xigay waxay ahayd Xamaas oo koraysa kuna sii socota guusheeda illaa sare loo qaaday oo habab cusub oo dagaal lagu wajahay ciidanka Israa’iil, wada0-xaajoodka heshiiska ayayna si habsami leh Xamaas u sii waday, illaa laga soo gaaray in heshiiska la saxiixo, kaa oo ku yimid cadaadiska militari ee Xamaas iyo habkooda wada-xaajoodka! Midda labaad ee ku qasbaysa Xamaas inay shaaciso geerida Maxamed Dayf iyo saraakiisha sare, waa wax laga doonayo in sare loogu qaado kalsoonida shacabka Qasa, oo loo sheegayo inay la qeybsanayaan dhibaatada, illaa dadka Qasa iyo dunidda ay arkeen hoggaamiyihii u sarreeyay Xamaas oo dagaallamaya, qori iyo bambooyin ku weerarraya ciidanka Israa’iil illaa uu dagaalka uu ku jiray ku dhintay, qofka aan sheegayo waa Yaxye Sinwar oo ay Israa’iil iyo reer galbeedka usoo bandhigayeen inuu ku dhuunto gododka oo isku hareereeya maxaabiista, isla waqtigaa oo dadka Qasa ay dhibaato dhexda uga jiraan iyo xasuuq,taa waxaa ku beeniyay naftiisa Yaxye! Xaaladan waxay tuseysa dadka Qasa iyo hoggaanka Xamaas ee awoodda inay ka dhuuntaan weerarrada israa’iil inay si ka soo horjeeda dhulka ugu soconayaan inay la dagaallamaan Israa’iil.

Inta uu ku jiray Abu Cubayda, shaacinta shahiidnimada Maxamed Dayf iyo saraakiisha sare ee Qasaam, ma sharrixin ; goobta, waqtiga iyo haddii ay hal goob ku geeriyoodeen dhammaan saraakiishan, dabcan kuwani waa is waydiimo aan la sharrixi karin waqtigan dagaal, iyadoo laga fogaanayo in lagu sameeyo fallanqeyn sirdoon, oo fududeyn karta weerarro kale. Waxa kaliya ee la qiyaasayo waa in dhammaan saraakiisha aan lagu dilin hal goob, sababtoo ah sida kaliya ay ku dhici karto in hal goob lagu beegsaday, markaa waa in bambooyinka Israa’iil ay gaareen xarun muhiim ah oo ka tirsan saldhigyada howlgalin ee Qasaam! Sababta aad ugu aragtay warbixinta bartamihii bishii July, waa in xerada Mawasi ay ku weerartay Israa’iil , weerarkeedii ugu sarreeyay taariikhda , waxayna bambooyinka lagu weerarray xerada ka sarreeyeen weerarkii lagu dilay Xasan Nasrullah, marka uu dhacay weerarka , Israa’iil waxay sheegtay Maxamed Dayf iyo taliyihii Qasaam ee Khan Yunis inay ku dishay..! Tana waxaa ku raacay Abu Cubayda oo xaqiijiyay shahiidnimada taliyihii Khan Yunis.

W/Q imani Jamac

Related posts

Nin lagu helay in uu ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo Xabsi isku dhax dilay

Cabdi Cade

Shiikh Suldaan Gasle “Masjidkii aan aasaasay ayaa waxaa ii taal warqad la leeyahay ma soo geli karo”(Video)

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya weerarkii duleedka Balcad oo lagu laayey Xildhibaano, Masuuliyiin iyo askar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---