Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka kasoo dejiya degaannada maamulka Puntland, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xubno ka tirsan qoyska Madaxweynaha haya talada maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Ganacsatadan oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Puntland ee Garowe, ayaa sheegay in dhibaato weyn kala kulmay wiil uu dhalay Madaxweyne Siciid Deni, kaa oo ay sheegeen in uu soo xirtay kuna dhibaateenayo shaar dowladeed.
Waxa ay sheegeen ganacsatada jaadka kasoo dejiya magaalada Garowe in wiilka Madaxweynaha uu ku hayo dhibaato, uuna hortaagan yahay diyaaradihii jaadka uga soo qaadi jirtay magaalada Garowe, iyaga oo tilmaamay in wiilka Deni uu raadinayo macaash .
“Ganacsigii Jaadka iyo diyaaraddii noo keeni jirtay waxaa nagu haysta wiilka uu dhalay Madaxweyne Siciid Deni, arrintaasina nama qabato, waxaan nahay canshuur-bixiyaal. Marka waxaan rabnaa arrintaa wax laga qabto” ayey yiraahdeen ganacsatada cabashada ka muujiyay wiilka Madaxweyne Deni.
Ganacsatadan cabashada muujisay ayaa sheegay in diyaaradaihii jaadka keni iray hortaagan yahay wiilka awooda ku leh maamulka Puntland, waxa ayna ugu baaqeen Madaxweyne Siciid Deni in uu arrintan soo faragaliyo kana qabto wiilkiisa shaarka dowladeed ku dhibaateenaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com