Dalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay shil kale oo diyaaradeed oo sababay khasaaro dhimasho, kaddib markii ay soo dhacday diyaarad nuuca Amplaasta ah ee lagu qaado bukaannada isbitaallada loo qaado.
Diyaarada soo dhacday oo ah nuuca yar yar ee loo adeegsado Ampalaas ahaanta ayaa waxaa saarnaa lix qof oo afar kamid ahaayeen labo shaqaalaha diyaarada iyo kalkaaliyaal, halka labada qof kalana ay ahaayeen hooyo iyo gabadheeda oo xanuunsaneyd.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warramay in diyaarada ku burburtay meel u dhow xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Philadelphia gobolka Pennsylvania, ee bariga Mareykanka, waxaana ku dhintay lixdii qof ee diyaarada saarnaa.
Burburka diyaarada ayaa sidoo kale sababay in ay gubtaan guryo la sheegay in ay ku dul dhacday diyaarada, waxaana la arkayay gaadiidka dabdamiska oo gurmad u fidinaya guryaha gubayaya, lamana soo sheegin khasaaro kale oo ka dhashay dabka diyaarada dhacday sababtay.
Maalmo kahor , ayey aheyd markii dalka Mareyaknka uu ka dhacay shil kale oo diyaaradeed oo dhaliyay khasaaro badan, kaddib markii ay isku dhaceen diyaarad rakaab iyo sidoo kale Helicpter ciidamada milatariga Mareykanka lahaayeen, waxaana shilkaasi ku dhintay dad ka badan 60-qof.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com