Kooxda Xamaas ee reer Falastiin, ayaa shaaca ka qaaday magacyada seddex la hayste oo kasoo jeeda Israa’iil oo ay sii deyn doonto maanta oo Sabti ah , si ay ugu badalato maxaabiis reer Falastiin ah oo ku jira xabsiyada maamulka Israa’iil.
Sedexda la heyste ee kooxda Xamaas maanta sii deyn doonaan waxa ku jira nin haysta labada dhalasho ee Maraykanka iyo Israa’iil, kaa oo kamid ahaa dadkii ay sannad kahor kooxda Xamaas gacanta ku dhigeen kuna heesteen Gaza..
Dadka lasii deynayo oo kala ah Yarden Bibas, Keith Siegel iyo Ofer Kalderon ayaa maanta oo Sabti ah la sii deyn doonaa sida uu sheegay afhayeenka garabka hubeysan ee ururka Xamaas Abu Cubeyda oo qoraal soo dhigay barta Telegram.
Maalintii Khamiistii kooxda Xamaas waxay sii deysay seddex Israa’iiliyiin ah iyo shan u dhashay dalka Thailand, halka Israa’iil ay sii deysay 110 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, oo ku xirnaa xabsiyada ay maamulaan.
Heshiiska xabad joojinta ee lagu joojiyay dagaalkii 15-ka bilood socday ayaa dhigayay in lixda todobaad ee ugu horeeya ay falastiiniyiintu sii daayaan 33 la hayste, kuwaas oo lagu baddalanayo boqollaal maxbuus oo falastiiniyiin ah oo qaarkood ku xukunnaa xabsi daa’in kuna jiray xabsiyada Israa’iil.
15 la hayste oo ay ku jiraan shan shaqaale oo Thailand u dhashay iyo illaa 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la is weydaarsaday.
Seddex Israa’iiliyiin ah ayaa Khamiistii lagu badashay 90 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 9 qof oo xabsi daa’in ku xukunayd iyo 81 xabsiyo dhaadheer ku xukunnaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com