Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidamada AUSSOM oo maanta diinta Islaamka qaatay

Sargaal katirsan ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AUSSOM kana soo jeeda dalka Uganda, ayaa maanta deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku qaatay diinta Islaamka, kaddib markii uu ku qancay macaanida diinta Islaamka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Lambarkonton ee gobolka Sh/Hoose , ayaa ashahaadka u qabtay Korneyl ka tirsan Ciidamada AUSSOM .

Sargaalkan katirsan ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta qaatay diinta Islaamka, waxa uuna xusay in uu go’aankan qaatay kaddib markii uu ku qancay diinta Islaamka uu tilmaamay in ay tahay mid naxariis badan.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiisha kale ee ciidanka, ayaa sargaalkan kusoo dhaweeyay diinta Islaamka uu maanta qaatay, waxa ayna tilmaameen in uu yahay nin nasiib badan oo maanta ilaah waafajiyay in uu islaamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo iyo diyaarado dagaal oo loo dirayo Suuriya si ay Bashaar u taageeraan

Cabdi Cade

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

admin

Xulka Qaranka Somalia oo loo Magacaabay Macalin cusub oo ajnabi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---