Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar ka soo baxay ayaa loo daabulay furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu todobaadkan ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish.
Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ayaa si toosa qeyb uga noqonaya wejiga labaad ee hawlgalka lagu dabar-goynayo mileeshiyaadka Argagixisad ah ee Daacish oo weli ku go’doonsan godad ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo shalay ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ayaa sheegay in jiho kasta laga go’doomiyay mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana ay dowladdu qorshaysay in ay noqdaan wax dhinta iyo wax la qabtay, kaddib markii dagaalku bilowdo.
Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka dabar-goynta argagixisada Daacish uu qaadan karo wakhti ka yar mudadii uu socday wejigii kowaad ee dagaalka oo bilowday horraantii bishaan Jannaayo ee sannadkan 2025.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com