Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada G/Banadir oo beenisay war laga faafiyey Sayid Cali M. Daa’uud

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa beenisay warar qoraal lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya in la sii daayey dambiile sayid Cali Macalin Daauud oo ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Sayid Cali ayaa waxaa xukun dil ah ku riday Maxkamada gobolka Banaadir, Maxkamada racfaanka iyo Maxkamada sare ee dalka ka dib markii lagu helay inuu i ulakac ah u gubay xaaskiisa inkastoo aan weli xukunkaas la fulin.

Qoraal kooban oo ka soo baxay maxkamada ayaa sidan u qornaa:-

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay beenineysaa warqada been abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshadda taasoo lagu sheegay in la siidaayey Xukunsane, DAMBIILE 𝗦𝗮𝘆𝗶𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗮’𝘂𝘂𝗱 oo horray u dilay Xaaskiisa kaas oo ay dhammaan Maxkamaduhu ku xukumeen dil toogasho ah.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa la farayaa inuu baaro soona saaro cidda qortay waradan iyo cidda faafisay, sidoo kale ay qaadaan tallaabo sharciga lagu horkeenayo cidda been abuurtay.

HOOS KA AKHRISO WARQADA LA FAAFIYEY

Related posts

Sacuudiga oo War cusub kasoo saaray arimaha Xajka iyo cumarada ee Sanadkan

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay warbixin lataaban qodob ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo caawa awood u adeegsaday Dibad bax lagu taageerayay Go’aankii Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---