Puntland ayaa Itoobiyaan badan ka raaftay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kuwaasoo la sheegay in dib loogu celinayo dalkooda.
Talaabada Puntland ayaa ka dambeysay ka dib markii dhowaan magaalada Boosaaaso lagu dilay nin ajnabi ahaa oo miino ku aasasayey mid ka mid ah jidadka magaaladaas xili Puntland ay sii wado howlgal balaaran oo gobolka Bari degaano ka mid ah looga sifeynayo kooxda Daacish oo fariisimo ku leh.
Dadka la xirxiray ayaa la iskugu keenay goobo ku yaalla magaalada Boosaaso halkaasoo laga saaray gaadiid waaweyn oo dalkooda dib ugu celinaya talaabadaasoo Puntland ay ku sheegtay min lagu xaqiijinayo amaanka
Warbaahinta Itoobiya ayaa bilowday iney si qaldan uga hadlaan raafka dadka Itoobiyaanka ah ee magaalooyinka Puntland, waxay qaarkood qoreen in dil iyo dhibaatooyin kale loo geystay qaar ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah ee la qabqabtay.
Hadalka warbaahinta Itoobiya ayaa halis gelinaya badqabka Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaas kuwaasoo la kulmi kara falal aargoosi ah oo kaga iman kara dad wax magarato ah.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa beeniyay wararka ku saabsan in dad Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Puntland, kaddib markii loo beegsaday isir ahaan.
Wasiir Juxaa oo ka jawaabayay eedeyntaasi loo jeediyay Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Qaxooti Itoobiyaan ah lagu dhibaateeyay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kaddib markii jirdil iyo handadaad loo geystay, islamarkaana ay jiraan qaar lagu dilay Boosaaso.
“Waa been abuur cid la dilay ma jirto, Booliska dowladda Puntland ayaa ka jawaabay arrintaasi, marka dad ajaanib ah oo lagu dilay Boosaaso ma jirto, balse waxaa jirta ajaanib badan oo la qab-qabtay oo dib loo celinayo, kaddib go’aankii soo baxay” ayuu yiri wasiir Juxaa.
Cabdi Faarax Juxaa ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u beegsatay Itoobiyaanka ku sugan degaannada Puntland, balse guud ahaan dalka laga saarayo ajaanibta sharci la’aanta ku joogta oo dalal kala duwan ka soo jeeda isagoo shacabka uga digay in dhibaato loo geysto ama lagu xad-gudbo xuquuqda ajaanibta ku sugan degaannada Puntland, gaar ahaanna Qaxootiga mangalyo doonka ah, waxaana uu codsaday in Maamulka loo daayo hawsha saarista ajaanibta.