Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Taliye Asad ku soo arkay degaanka Ceelasha biyaha?

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Osman Abdullahi ayaa xalay Kormeer shaqo ku tagey Saldhigga Boliiska ee Deegaanka Ceelasha-Biyaha iyo xarumaha Ganacsi ee ku yaala deegaankaas.

Saraakiisha Amaanka oo shaqadooda gudanaya ayuu Taliyuhu la kulmay waxayna Warbixin guud ka siiyeen xaaladda amaan iyo howlgalada looga hortagayo Al shabaab oo Ciidamada kala duwan wadajir isaga kaashaadaan .

Kormeerka shaqo kadib Taliyaha ayaa booqday qaar kamid ah ganacsiyada suuqa Deegaanka Ceelasha-Biyaha oo amaanka jira uu u sahlay in xiliga habeenkii cabsi la’aan shaqeystaan.

Degaanka Ceelasha biyaha oo qiyaastii 17km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ay  sida qarsoodiga ah uga howlgalaan kooxda Al- Shabaab inkastoo ay waayadan ay hoos u dhacday saameyntii ay degaankaas ku lahaayeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Doorashada Shan kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta la dooranayo

Cabdi Cade

Bobi Wine oo loo diiday in gurigiisa ka baxo kana hadlay natiijada Doorashadii dhacday

Cabdi Cade

Marwo Monica Juma Goorma Ayay Qaladaadkeedii Hore Wax Ka Baran ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---