Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo ugu dambeyn shaacisay inuu Geeriyooday Mohamed Deif

Xamaas, ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday taliyihii guud eeĀ  guutooyinka hubaysan ee Qasaam, Maxamed Dayf ( Abu Khalid).

Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray ; Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama’a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam eeĀ  Khan Yunis, Rafi’ Salama.

Israel ayaa horey u sheegtay iney ka taqalustay Maxamed Deyf hase ahaatee Xamaas ayaa xiligaas beenisay sheegashada Israel inkastoo ugu dambeyn ay maanta qireen geerida hogaamiyahaas.

Dhinaca kale, Israaā€™iil ayaa maanta sii deysay mid ka mid ah maxaabiista ugu caansan Falastiiniyiinta ee ku xirnaa xabsiyada israaā€™iil, Sakariye Zubeydi oo tan iyo 2001 fuliyay howlgallo badan oo lagu dilay askar Israaā€™iilĀ  ah, wuxuu hoggaaminayay muddadaa garabka Al Quds ee Daanta Galbeed.

Zubeydi ,wuxuu diiwaanka ku galay inuu ka baxsaday xabsiga ugu adag Israaā€™iil ee sida weyn amnigiisa loo ilaaliyo ee Gilboa, taa oo ku noqotay filan-waa Israaā€™iil , isaga iyo shan xubnood oo ka mid ahayd askartiisa ayaa waqtiga god dhulka hoostiisa ah oo ay qodeen xabsigan uga soo baxday, howlgal aan horey loo arag oo muddo toddobaad ah lagu baadi-goobayay ayaa markii dambe lagu soo qabtay oo lagu celiyay xabsiga sannadkiiĀ  2021.

Looma oggolaan doono inuu tago xerada Jenin oo ah halka uu ka dhisay dagaalyahanno illaa hadda Israaā€™iil u diidday inay xeradaa gudaha u gasho.

Related posts

Shirkii Golaha Wadatashiga oo la soo gebagebaynayo goor dhow iyo Munaasabad caawa..

Caydiid Ali

Kulamo Siyaasadeed iyo olole xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) DF oo amar cusub ka soo saartay Shahaadada safarka ee COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---