Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif shiikh Axmed ayaa kulan la qaatay Sii-hayaha wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta QM ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo hanaanka doorashooyinka soo socda ee dalka oo muran badan uu ka taagan yahay.
“Waxaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan. Waxaan kulankeenna uga wada hadalnay arrimo badan gaar ahaan siyaasadda, hannaanka doorashooyinka oo si weyn la isugu khilaafsanyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay doorasho heshiis lagu yahay islamarkaana haysata sharciyad” ayuu yiri shariif oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.
Dhinaca kale Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa ka mahad-celiyay kulan is xog-wareysi ah oo uu kula yeeshay Muqdisho, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan si uu wax badan uga ogaado shaqada iyo qorshayaasha guddiga.
“Sanado badan, Qaramada Midoobay waxay si joogto ah u taageertay horumarka Soomaaliya ee ku aaddan doorashooyin loo dhan yahay oo dimuqraadi ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM.