Allbanaadir.com
NEWS

Japan oo taageero weyn u balan-qaaday dowlada Somalia (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Japan ee Soomaaliya, Mudane Matsura Hiroshi.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, gaar ahaan taageerada ay Dowladda Japan siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.

Safiirka Japan ayaa muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu xasilinayo dalka, wuxuuna bogaadiyay safiirka horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

Danjire Matsura Hiroshi ayaa balan-qaaday in dowladiisu xoojineyso taageerada ay siiso laamaha amniga Somalia si dalka loo gaarsiiyo xasilooni buuxda oo sal u ah horumar dhinac walba leh oo la gaaro.

Japan ayaa ka mid ah dowladaha deeqda bixiya ee sida weyn u saacida Somalia gaar ahaan dhinacyada amniga iyo mashaariicda horumarinta ee ka socda qeybo ka mid ah dalka

Related posts

Madaxweyne Deni oo Caawa magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya maamulkiisa

Cabdi Cade

Saraakiil u dhalatay Nageria oo Shahaado iyo Abaal marin lagu siiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Tiro Madaafiic ah oo saaka lagu weeraray Garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---