Allbanaadir.com
NEWS

Deni oo iclaamiyey wejiga labaad ee hawlgalka sifeynta Daacish (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee kooxda Daacish looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka.

Waxaa uu xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilaabanaya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa siweyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga Ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday.

Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan Ciidanka tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Deni ayaa oo shacabka Puntland uga digey in aan la dhibaateyn dadka nolosha u soo raadsaday Puntland, isagoo faray laamaha Amniga in si masuuliyd ku jirto loo guto tallaabooyinka laga qaadayo wax uu ugu yeeeray Argagixisada ku soo dhex dhuumanaysa Ajaanibta ku nool Puntland.

Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad,  waxaa  lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka  Dowladda Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah, isla markaasina ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona  wejiga labaad ee Howlgalka ka socda Cal-miskaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka la dagaalamaya Socdaalka sharcidarada

Cabdi Cade

Nabadoon Cali Dheere oo Caawa la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka xoogga oo kulan xasaasi ah la qaatay Soner Oruçoğlu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---