Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa maanta meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.
Kulanka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ,ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.
Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada ee maanta meel mariyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa saameyn ku yeelan doona dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada kuna soo gudbiya waxyaabaha meela ka dhaca ku ah diinta iyo dhaqankeena suuban.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com