Diyaarad kuwa rakaab ah oo wadday ilaa 64 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda iyo helicopter ay leeyihiin milatariga, ayaa xalay fiidki kaddib xilliga magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka iskula dhacay hawada dhaw ee Washington.
Labada diyaaradood ayaa isku dhacay xilli ay diyaaradda wadday rakaabka ay u dhaweyd in ay ku dagto garoonka maxalliga ah ee diyaaradaha ee Ronald Reagan ee u dhaw magaalada caasimadd ah.
Labada diyaarad ayaa ku dhacay wabiga Potomac ee isku xira Washington iyo waqooyiga gobolka Virginia. Waxaa socda howlgal ballaaran oo ay wadaan laamaha kala duwan ee ciidamada amniga iyo shaqaalaha u carbisan howlaha gurmadka.
Ma jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Mareykanka oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay shilkana diyaaradeed.
Waxaa la joojiyay duulimaadyada imanaya iyo kuwa ka baxaya garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan ee ku yaalla magaalada Arlington ee gobolka Virgina oo aad ugu dhaw Washington D,C.
Madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in si buuxda looga warbixiyay shilkan aadka u daran, isaga oo u duceeyay dadka ay suurtagaka tahay in ay ku dhinteen.
Diyaaradda rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda duulimaadka ee American Airlines ayaa kasoo kicitintay magaalada Wichita ee gobolka Kansas. Diyaaradda ku dhacday ee aheyd kuwa qumaatiga u kaca gaar ahaan nuuca loo yaqaanno Blackhawk ayaa kasoo duushay saldhiga milatariga Mareykanka ee Fort Belvoir ee magaalada Alexandira ee gobolka Virginia.
Ilo wareedyada millatariga ayaa sheegay in ay la socdeen saddex askari oo ka tirsan millatariga Mareykanka. Lama bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan xaaladda askartaasi.
Goobta uu shilku ka dhacay ayaa kaliya 3 mile u jirta Aqalka Cad ee magaaladan Washington D.C.