Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo ballanqaad muhiim ah u sameeyay dowladda Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Russia ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dowladda Russia Dr. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, in dhinacyadu yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud Hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn.

Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Russia gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, .

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin, ayaa dhankiisa waxa uu ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Muqdisho iyo Moscow.

Related posts

Bannaanbax lagu taageerayo Damaca Xasan Sheekh oo Muqdisho ka socda

Cabdi Cade

Shir Deg deg ah oo Hotelka Jaziira uga socda Musharaxiinta iyo Walaac cusub oo…

Cabdi Cade

Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---