Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo wareysi kooban bixiyay ayaa beeniyay wararka ku saabsan in dad Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Puntland, kaddib markii loo beegsaday isir ahaan.
Wasiir Juxaa oo ka jawaabayay eedeyntaasi loo jeediyay Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Qaxooti Itoobiyaan ah lagu dhibaateeyay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kaddib markii jirdil iyo handadaad loo geystay, islamarkaana ay jiraan qaar lagu dilay Boosaaso.
“Waa been abuur cid la dilay ma jirto, Booliska dowladda Puntland ayaa ka jawaabay arrintaasi, marka dad ajaanib ah oo lagu dilay Boosaaso ma jirto, balse waxaa jirta ajaanib badan oo la qab-qabtay oo dib loo celinayo, kaddib go’aankii soo baxay” ayuu yiri wasiir Juxaa oo wareysi kooban siiyay warbaahinta Daljir.
Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u beegsatay Itoobiyaanka ku sugan degaannada Puntland, balse guud ahaan dalka laga saarayo ajaanibta sharci la’aanta ku joogta oo dalal kala duwan ka soo jeeda, sida uu tilmaamay wasiirka.
Wuxuu sidoo kale shacabka uga digay in dhibaato loo geysto ama lagu xad-gudbo xuquuqda ajaanibta ku sugan degaannada Puntland, gaar ahaanna Qaxootiga mangalyo doonka ah, waxaana uu codsaday in dowladda loo daayo hawsha saarista ajaanibta.