Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & QM oo shir xasaasi ah ugu dhamaaday Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas’uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey’adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hoowlgala Soomaaliya.

Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo howlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu Howlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa  is beddeleen.

Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo hey’ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP.

Wuxuu mas’uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in hey’addii dawladeed ee lahayd lagu wareego.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada mas’uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.

Related posts

Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan hoos taga Kismaayo & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Maxaa sababay Khilaaf u dhaxeeya Cumar Filish iyo Caana-boore & Rooble oo go,aan soo saaray la diiday !!

admin

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhacday (Akhriso Jadwal cusub)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---