Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga Kiis ay eedeysanayaal ka yihiin Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa Ciidamada Jubbaland isla markaana loo heysto in hubkii bulshada ugu shaqeynayeen ay ka iibsadeen Kooxda al shabaab iyo la shaqeynta kooxdaasi.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo sheegay in dhinacyada Dacwada ay u furan tahay soo bandhigista eedaha loo heysto Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamad Nuur.
Xeer ilaaliyaasha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali iyo Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin ayaa Maxkamada ka hor aqriyay kiisaska ay ku eedeysan yihiin Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur iyaga oo sheegay in eedeysanayaasha loo heysto iib-geynta Hubkii Dowlada ku aamintay iyo la shaqeynta al shabaab sida ay ogaadeen Xafiiska Dambi barista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiskan.
Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanayaasha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland waxa ay ka qabaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto kiiska eedeysanayaasha Maanta Maxkamadda la horkeenay.