Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo lagu jaangooyay khidmadaha waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare, si loo fududeeyo helitaanka waxbarashada loogana yareeyo culayska dhaqaale ee waalidiinta ardayda.
Sida ku cad go’aanka cusub:
Dugsiyada Sare: Khidmadda waxbarashada waxaa laga dhigay $12, iyadoo markii hore ay ka sarreysay.
Dugsiyada Dhexe: Khidmadda ayaa hoos loo dhigay $8 oo kaliya.
Dugsiyada Hoose: Waxaa laga dhigay $6, iyadoo markii hore ahayd $12.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn muuqata ku yeesho nolosha bulshada, gaar ahaan waalidiinta danyarta ah ee ay ku adkeyd bixinta khidmadaha waxbarashada ubadkooda. Waxa uu sidoo kale fursad siinayaa caruur badan oo sababo dhaqaale awgood uga haray dugsiyada inay dib ugu soo laabtaan waxbarashada.
“Tani waxay kor u qaadaysaa tirada ardayda waxbarasho helaysa, taasoo door muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha mustaqbalka dhalinyarada iyo horumarka guud ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada
Wasaaradda Waxbarashada ayaa waalidiinta ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan fursaddan, iyaga oo dadaal dheeri ah u galaya sidii carruurtooda u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh oo ay ka dhaxlaan aqoon iyo xirfado wax ku ool ah.