Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party) ee haya talada dalka Turkiga ayaa gaaray Heshiis Is-afgarad ah kaas oo ujeedkiisu yahay in labada dhinac ay iska kaashadaan is-waydaarsiga khibradaha iyo waaya-aragnimada shaqo.
Heshiiskan ayaa u gogol-xaaraya in labada Xisbi ay yeeshaan iskaashi qotadheer oo ku aaddan: is-waydaarsiga khibradaha, aragtiyada iyo cilmi baarista; hindisaha iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasadeed, kobcinta xirfadda kaadirka iyo sare u qaadista wacyiga siyaasiga ah ee bulshada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xisbiga UPD
Wafdiga Midowga Nabadda iyo Hormurka oo ay ka mid yihiin Xoghaya Guud ee Xisbiga Cabdiraxman Maxamed Xuseen, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Xildh. Zamzam Maxamed Cumar iyo agaasimaha guud ee Xafiiska Xaghayaha Guud Cabdullaahi Sheekh Xuseen, ayaa booqashadooda Turkiga waxay ugu kuurgalayaan nidaamka maamulka iyo shaqada Xisbiga AK iyo guud ahaan xiriirka labada dal.
Xoghaya Guud ee Xisbiga UPD Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa oo ka hadlay madasha heshiiska lagu kala saxiixday ayaa tilmaamay ahmiyadda uu is-afgaradkan u leeyahay xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo raaciyay in heshiiskani uu sii dardargalin doono diyaargarawga uu Xisbiga UPD ugu jiro doorashooyinka loo madlan yahay ee qof iyo codka ah.
Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Madaxa Arrimaha Dibadda ee Xisbiga AKP Mudane Zafer Sirakaya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay wafdiga meteleya Xisbiga UPD ee booqashada ku jooga dalka Turkiga, isaga oo muujiyay sida ay ugu riyaaqsan yihiin wada-shaqaynta dhaw ee heerkeedu sarreeeyo ee ay labada Xisbi wada yeelanayaan.
Is-afgaradka labada Xisbi ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso nidaam doorashada xisbiyada.