Shirar heerar kala duwan soo maray, misna muddo soo socday oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ururada Dhaqaatiirta iyo Cusbitaalada Dalka ayaa maanta si rasmi ah ay natiijo wax ku ool ah uga soo baxday, iyadoo looga dhawaaqay in laga dhaafay Canshuuraha iibka adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalada iyo Rugaha bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo sidee kale ah ku-simaha Wasiirka Maaliyadda ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay la yeesheen dhaqaatiirta iyo ururadooda, waxa uuna tilmaamay in is-afgarad buuxa ay ka gaareen hannaanka Cashuuraha iyo habraaca looga baahan yahay Cusbitaalada.
Dhinaca kale dhaqaatiirtii kulanka goobjooga ka aheyd ayaa dhan kooda xaqiijiyay wada-shaqeynta Wasaaradda iyo u adeegidda bulshada in ay tiir u tahay horumarka bulshada Soomaaliyeed iyagoo ka mahad celiyey talaa
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo lagu jaangooyay khidmadaha waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare, si loo fududeeyo helitaanka waxbarashada loogana yareeyo culayska dhaqaale ee waalidiinta ardayda.