Hay’adda Human Rights Watch ayaa Arbacada maanta sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay “sii xoojineyso cadaadiska” ay ku hayso ururada bulshada rayidka ah, iyadoo cambaareysay hakinta ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku sameysay laba urur oo si madax-bannaan ugu dooda xuquuqda aadanaha.
Bishii December, hay’ad dawladeed oo kormeer ku haysa ururada bulshada rayidka ah ayaa shaqada ka joojisay Golaha Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC), oo ah ururka ugu faca weyn ee si madax-bannaan ugu dooda xuquuqda aadanaha ee dalkaas, iyo Xarunta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRDC).
Hay’adda HRW ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “shaqo joojintan ay salka ku haysay “eedeymo sheegaya in ururradu aanay haysan madax-bannaani isla markaana ay ka shaqeynayeen meel ka baxsan waajibaadkooda shaqo.”
Talaabadan dawladdu ay qaaday ayaa HRW ku tilmaantay “qayb ka mid ah cadaadiska sii xoogaysanaya ee lagu hayo ururada bulshada rayidka ah”.
“Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa sannadkii tegay olole aan kala joogsi lahayn ku qaaday ururada u dooda xuquuqda aadanaha,” ayay tiri Mausi Segun, oo ah Agaasimaha Afrika ee hay’adda HRW.
“Iyadoo la joojinayo ururada hawlaha muhiimka ah ee diiwaangelinta iyo u doodista xuquuqda aadanaha ka waday gudaha dalkaas, dawladdu waxay muujineysaa sida aanay ugu dulqaadan karin in si madax-bannaan loola xisaabtamo,” ayay hadalkeeda ku dartay.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii bishii December la hakiyay saddex urur oo kale oo u dooda arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo kala ah Xarunta Horumarinta Xuquuqda iyo Dimuqraadiyadda (CARD), Qareennada Xuquuqda Aadanaha (Lawyers for Human Rights) iyo Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (Association for Human Rights in Ethiopia).
Kaliya ururkii ugu dambeeyay ee saddexdan ka mid ah ayaa illaa hadda laga qaaday shaqo joojintii.
Billene Seyoum, oo ah afhayeen u hadashay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2018 – markii uu Abiy xilka qabtay – “tallaabooyin muhiim ah” la qaaday si loo abuuro “deegaan loo wada dhan yahay oo sharci ku dhisan, kaasoo u sahlaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si macno leh uga qaybqaataan arrimaha Itoobiya”.
“Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la beddelo saaxadii markii hore xaddidnayd ee si adag loo kontoroolay ee ururada bulshada rayidka ah, loona beddelo mid u oggolaanaysa ururada inay si xor ah u shaqeeyaan, iyagoo dhinacna u janjeerin, isla markaana u hoggaansamaya sharciyada dalka,” ayay raacisay hadalkeeda.
Dalkan ku yaal Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof ayaa wajahaya dhowr dagaal oo hubeysan, gaar ahaan gobollada ugu dadka badan ee Amxaarada iyo Oromiya, halkaasoo ciidamada federaalku ay kula dagaallamayaan maleeshiyo hubeysan.
Ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka ayaa labadaba lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
ayaa Arbacada maanta sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay “sii xoojineyso cadaadiska” ay ku hayso ururada bulshada rayidka ah, iyadoo cambaareysay hakinta ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku sameysay laba urur oo si madax-bannaan ugu dooda xuquuqda aadanaha.
Bishii December, hay’ad dawladeed oo kormeer ku haysa ururada bulshada rayidka ah ayaa shaqada ka joojisay Golaha Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC), oo ah ururka ugu faca weyn ee si madax-bannaan ugu dooda xuquuqda aadanaha ee dalkaas, iyo Xarunta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRDC).
Hay’adda HRW ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “shaqo joojintan ay salka ku haysay “eedeymo sheegaya in ururradu aanay haysan madax-bannaani isla markaana ay ka shaqeynayeen meel ka baxsan waajibaadkooda shaqo.”
Talaabadan dawladdu ay qaaday ayaa HRW ku tilmaantay “qayb ka mid ah cadaadiska sii xoogaysanaya ee lagu hayo ururada bulshada rayidka ah”.
“Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa sannadkii tegay olole aan kala joogsi lahayn ku qaaday ururada u dooda xuquuqda aadanaha,” ayay tiri Mausi Segun, oo ah Agaasimaha Afrika ee hay’adda HRW.
“Iyadoo la joojinayo ururada hawlaha muhiimka ah ee diiwaangelinta iyo u doodista xuquuqda aadanaha ka waday gudaha dalkaas, dawladdu waxay muujineysaa sida aanay ugu dulqaadan karin in si madax-bannaan loola xisaabtamo,” ayay hadalkeeda ku dartay.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii bishii December la hakiyay saddex urur oo kale oo u dooda arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo kala ah Xarunta Horumarinta Xuquuqda iyo Dimuqraadiyadda (CARD), Qareennada Xuquuqda Aadanaha (Lawyers for Human Rights) iyo Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (Association for Human Rights in Ethiopia).
Kaliya ururkii ugu dambeeyay ee saddexdan ka mid ah ayaa illaa hadda laga qaaday shaqo joojintii.
Billene Seyoum, oo ah afhayeen u hadashay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2018 – markii uu Abiy xilka qabtay – “tallaabooyin muhiim ah” la qaaday si loo abuuro “deegaan loo wada dhan yahay oo sharci ku dhisan, kaasoo u sahlaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si macno leh uga qaybqaataan arrimaha Itoobiya”.
“Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la beddelo saaxadii markii hore xaddidnayd ee si adag loo kontoroolay ee ururada bulshada rayidka ah, loona beddelo mid u oggolaanaysa ururada inay si xor ah u shaqeeyaan, iyagoo dhinacna u janjeerin, isla markaana u hoggaansamaya sharciyada dalka,” ayay raacisay hadalkeeda.
Dalkan ku yaal Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof ayaa wajahaya dhowr dagaal oo hubeysan, gaar ahaan gobollada ugu dadka badan ee Amxaarada iyo Oromiya, halkaasoo ciidamada federaalku ay kula dagaallamayaan maleeshiyo hubeysan.
Ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka ayaa labadaba lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay “sii xoojineyso cadaadiska” ay ku hayso ururada bulshada rayidka ah, iyadoo cambaareysay hakinta ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku sameysay laba urur oo si madax-bannaan ugu dooda xuquuqda aadanaha.