Allbanaadir.com
NEWS

R/W Talyaaniga oo baaris la galiyay kaddib markii xabsi laga daayay Osama Elmasry

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in la geliyay baaritaan dhanka garsoorka ah kadib markii ay dowladeeda sii deysay sarkaal ka tirsan booliska Liibiya oo ay doon dooneysay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC.

Osama Elmasry Njeem, oo sidoo kale loo yaqaan Osama Almasri Njeem, ayaa la sii daayay todobaadkii hore, waxaana lagu qaaday diyaarad ay leedahay dowladda Talyaanigu maalmo uun kadib markii laga siidaayey xabsiga magaalada Turin ee woqooyiga dalka Talyaaniga iyadoo loo haysto waaran lagu soo xirayo ICC oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan dil, jirdil iyo kufsi.

ICC ayaa dalbatay sharaxaad, iyadoo sheegtay inaan lagala tashan go’aanka lagu fasaxay Njeem.

Farriin muuqaal ah oo la soo galiyay baraha bulshada Talaadadii, Meloni waxay ku sheegtay in uu baaritaan ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee Rome, Francesco Lo Voi, kadib markii lagu eedeeyay in ay gacan ka geysatay dambi iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.

Meloni waxay iska riixday eedeymaha, iyadoo sheegtay in “aan lagu cabsi gelin doonin baaritaankan”.

Waxay sheegtay in dacwad oogayaasha ay sidoo kale baaris ku sameeyeen wasiirka cadaaladda Carlo Nordio, wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi iyo golaha wasiirada & sirdoonka.

Talyaanigu waxa uu Njeem ku xidhay magaalada Turin horraantii bishan, laakiin dawladda ayaa si lama filaan ah u sii daysay laba maalmood ka dib. Waxaa lagu qaaday diyaarad rasmi ah oo ay leedahay dowladda, waxaana la geeyey Tripoli.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa usbuucii hore baarlamaanka u sheegay in Njeem si degdeg ah loogu celiyay “sababo amni”.

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa la yaabay sharaxaadiisa waxaana lagu wadaa in Piantedosi iyo Nordio labaduba ay arbacada hor yimaadaan baarlamaanka si ay macluumaad dheeri ah uga bixiyaan kiiskan xumeeyay xiriirka Rome iyo maxkamada ICC.

Njeem waa madaxa laanta Tripoli ee Hay’adda Dib-u-habeeynta iyo Dhaqancelinta, oo ah hay’ada maamusha xarumaha dadka lagu xiro ee Ciidanka Difaaca Gaarka ah (SDF) ee dawladda.

Njeem ayaa la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa xabsiga Mitiga ee Tripoli, waxaana loo raadinayay eedeymo ay ka mid yihiin dil, kufsi iyo xadgudubyo galmo iyo jirdil uu geystay tan iyo 15-kii Febraayo 2015-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo xalay saddex jiho ka weeraray degmada Afgooye & dagaalo ka dhacay

Caydiid Ali

Jaad laga oo dejiyay Dekadda Ceel Macaan oo lagu gubay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---