Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo kireysatay shirkad xiriir la leh Trump si looga hortago in ….

Dowladda Soomaaliya ayaa kireystay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC oo xiriir la leh madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si looga hortago in Trump uu mar kale ciidamada Maraykanka ka soo saaro Soomaaliya.

Dhamaadkii bishii November ee sannadkii hore, Safiirka Soomaaliya ee Washington Dahir Xasan Carab ayaa heshiis hal sano ah oo dhan $600,000 la saxiixday shirkadda BGR Group, oo ah shirkad ay aasaaseen saraakiil iyo qareenno Jamhuuriyin ah.

Madaxweyne Trump ayaa dhammaadka muddadii hore ee xilka Aqalka Cad hayay wuxuu ciidamada Mareykanka kala baxay Soomaaliya, laakiin waxaa cidiamadaasi dib ugu celiyay Soomaaliya madaxweynihii ku xigay ee Joe Biden.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan raadinaysa in iyadoo isticmaalaysa shirkaddan ay kireysatay ee BGR uu Maraykanku sii wado taageerada milatari ee Soomaaliya uu siiyo, iyadoo aaminsan in taageeradaasi ay laf dhabar u tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee ka howlgalla Soomaaliya.

Shirkadda BGR Group ayaa waxaa aas-aasayaasheeda ka mid ah barasaabkii hore ee gobolka Mississippi Haley Barbour, oo Jamhuuri ah. Waxaa sidoo kale xubnaheeda ku jira Tom Locke, oo horey usoo noqday ku-xigeenka kaaliyaha agaasimaha FBI-da.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Shaqada ka joojiyay Wasiir tallaabo sharci daro ah qaaday

Cabdi Cade

Dayax gacmeed la filayo in markii ugu horreysay uu u dhawaado qoraxda

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo war kasoo saaray Xiisada u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---