Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyey inuu ciidankiisa kala baxayo dalka..

Warbaahinta dawlada Israel ayaa sheegtay in Madaxwayne Trump uu Israel ku wargaliyay in kumanaan ciidamada Maraykanka ah ee ku sugan Suuriya uu kala baxayo

Warbaahinta rasmiga ah ee Yuhuuda ayaa arrintan sheegaysa wax faahfaahin ah oo dheeraad ahna lagama bixin wali.

Dhowr kun oo ciidamo Maraykan ah ayaa ku sugan gobolada bariga wabiga Furat ee dalka Suuriya kuwaasoo joogitaankooda horey Maraykanku ugu macneeyay la dagaalanka kooxda daacish

Inta badan ceelasha saliida Suuriya oo ku yaala gobolka Deyruzur ayay ciidamada Maraykanku gacanta ku hayaan, Waxayna taageero ciidan iyo mid dhaqaaleba siinayeen kooxda SDF  garabka PKK ee Suuriya oo turkigu u arko koox argagxiso ah hase ahaatee mareykanku u adeegsanayey la dagaalanka Daacish.

Warkan ayaa ah mid dhinaca Turkiga farxad iyo guul u ah iyadoo marka horebana la saadaalinayay in Trump uu ciidamada goobtaas kala bixi doono

Sidoo kale arrintan ayaa dawlada Cusub ee Suuriya u noqonaysa yididiilo iyo in guud ahaan dhulwaynaha Suuriya ay gacanta ku wada dhigto.

Related posts

Dhaqtarkii Dilaaga ahaa iyo Saraakiil Qaraxyo fududeeyay oo saakay xukun dil ah lagu fuliyay

Cabdi Cade

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo hal arrin ka balan qaaday shacabka Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---