Allbanaadir.com
NEWS

Shacab careysan oo galay Safaradaha reer Galbeedka ee Kinshasa (Sawirro)

Dalka bartamaha Afrika ku yaalla ee DR Congo , ayaa u muuqda inuu dhexda u galay khalalaase, kaddib markii kumannaan dadweyne ah oo ka caraysan qabsashada kooxda M23 ee magaalada Goma ay weerarreen xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Kinshaha.

Xarumaha la weeraray waxaa ku jira dhismayaasha safaaradaha Faransiiska, Mareykanka, Belgium, Rwanda, Uganda iyo Kenya  oo ay weheliyaan xarumo kale oo ganacsi oo ku yaalla caasimadda Kinshasa.

Waxay dab qabadsiiyeen dhismayaasha safaaradaha oo ay ku eedeynayaan inay taageerraan falaagada M23 ee qabasatay magaalada Goma oo ah mida labaad ee ugu weyn dalkaas

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo rabshadaha sii kordhaya ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Halka ay ku dambayn doonto xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Goma wali ma cadda. Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaaladdu ay qasan tahay, iyadoo dagaalka uu weli ka socdo qeybo ka mid ah magaalada.

Sarkaal ka tirsan dowladda Congo ayaa sheegay in ciidamadu ay weli gacanta ku hayaan inta badan xarunta gobolka, balse fallaagada M23 oo soo weerartay magaalada ayaa arrintaas ka muransan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 17 qof ay dhinteen, ku dhawaad ​​400 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Talaadada, Koonfur Afrika ayaa sheegtay in afar kale oo askarteeda ah, kuwaas oo ku sugan DR Congo oo qayb ka ah dadaallada nabadeed, ay ku dhinteen isku dhacyada kooxda M23 oo taageero balaaran ka heysata dowlada Rwanda.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Isniintii la hadlay dhiggiisa Rwanda Paul Kagame, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen baahida degdegga ah ee xabbad-joojinta iyo dib-u-soo celinta hawlaha nabadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Dowlada Itoobiya oo Eedeymo u jeedisay Hay’addo katirsan Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo daahfurtey Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee Bisha  Ramadaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Sacuudiga oo War ka soo saaray qaraxii lagu hoobtay ee Ex-control

Caydiid Ali
Taboola Ads ---