Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Guddiga doorashada KG oo maanta bilaabaya fulinta qodob ka mid ah jadwalkooda

Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulkaasi.

Qabashada diiwaan gelinta Madaxweynaha  Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku egtay 26-ka bishan sida ku xusan jadwalka ay maalmo ka hor soo saareen guddigan.

Bisha soo socota ee Disembar 5teeda ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo lagu qabanayo magaalada Baydhabo.

Gudigii hore ee doorashada Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxay diiwaan geliyeen musharaxin dhowr uu ka mid ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ka hor inta qaarkood aysan iscasilin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka DF oo digniin soo saartay (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar Dhimasho badan sababay oo lagu qaaday Jaamacada Perm State University (Sawirro)

Cabdi Cade

Xamse Barre oo ka hadlay dib u howlgelinta xarunta Bangiga Dhaxe ee Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---