Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Jeesow oo la sheegay in uu xasaannad ka heesto Al Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heesto labo xasaanad , halka xildhibaannada kale ay heestaan hal xasaannad kaliya.

Cali Cosoble , ayaana ka falcelinayay hadal uu sheegay Xildhibaan Jeesow oo ah in aan la weerarin shacabka degan Galbeedka gobolka Hiiraan oo ay heestaan Al Shabaab , isagoona xilligaasi Jeesow ka falcelinayay hadal uu jeediyay Cali Jeyte guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle in Daahir Amiin Jeesow uu heesto xasaanad dheeri ah oo dhinaca Al Shabaab ula jeeday, waxa uuna ku baaqay in xildhibaannada kalana la siiyo xasaannad dheeraad ah ama laga qaado Daahir Jeesow xasaannada kale uu heesto.

Qoraalka uu Cali Cosoble soo saaray ayaa u qornaa sida tan:

Waxaan dhageystay Xildhibaan Dahir Amiin Jesaw oo dhahaya galbedka Hiiraan waxaa ku nool oo la heystetayaal ku ah adeeradey, abtiyashey iyo eedooyinkey, hadii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar Musharax oo isku soo taagay doorashada Madaxweynaha & ku-xigeenka Hirshabelle

Caydiid Ali

Codbixin Muhimad weyn u leh mustaqbalka Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka dhacday

Caydiid Ali

Haweeney Gacan yare u aheyd Trump oo arin xasaasi ah darteyd shaqada looga ceyriyay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---