Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh, oo ah mudane tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), ayaa si kulul u dhaliilay xukuumadda hadda jirta, isagoo ku tilmaamay inay tahay xukuumaddii ugu liidatay ee soo marta shacabka Soomaaliyeed
Waxa uu sheegay xildhibaanka in Xukuumaddu ku guul-darreysatay dhammaan waajibaadkii muhiimka ahaa ee loo igmaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin isku haynta dalka, la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta Doorashooyin loo dhan yahay oo hufan.
Qoraal uu ku daabacay Bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayuu ku sheegay in xukuumadda hadda jirta ay tahay mid tabar daran, awoodna u laheyn inay ka soo baxdo mas’uuliyadaha culus ee horyaalla. Xildhibaanku wuxuu si cad u sheegay inay tahay nasiib-darro in Baarlamaanka uu kalsooni siiyay xukuumad sidan u liidata, taasoo sababtay jahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku sii fidaya dalka.
Xildhibaan Garaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ka raalli-geliyay Kalsoonidii uu Baarlamaanka siiyay xukuumadda, isagoo ku boorriyay inay garab istaagaan xubnaha Baarlamaanka ee doonaya isbeddel dhab ah. Wuxuu xusay in shacabka iyo Baarlamaanku si wadajir ah uga shaqeyn karaan sidii meesha looga saari lahaa xukuumaddan uu ku tilmaamay mid aan u qalmin hoggaaminta dalka.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Baarlamaanka dhexdiisa ka socdo olole xooggan oo mooshin ka dhan ah xukuumadda, kaas oo ay waddaan xubno badan oo Baarlamaanka ka tirsan. Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa horseedi kara isbeddel weyn oo ku yimaada hannaanka siyaasadeed ee Dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com