Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre , oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay hoggaaminta Xukuumadda Soomaaliya.
Sida aan xogta ku helnay xildhibaanno tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka kuna sugan magaalada Nairobi, ayaa bilaabay diyaarinta mooshin la doonayo in xilka looga tuuro Ra’isul Wasaare Xamse Barre, marka uu furmo kalfadhigga lixaad ee Baarlamaanka bisha soo socota ee Febraayo.
Tirada xildhibaannada isku qoraya ka qeyb qaadashada mooshinka ka dhanka ah Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana sii kordhaya, waxa ayna xildhibaannada wada mooshinka isugu jiraan xildhibaanno horey mucaarad u ahaa iyo kuwa muxaafid ah.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo xil saaray ayna noqotay xukuumadiisa fadhiid, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu colaad ka abuuray Jubbaland uuna ciidanka Qaranka usoo hoyiyay fashil iyo ceeb aan horey loo arag.
Mooshinkan xil ka qaadista ee ka dhanka ah Ra;isul Wasaare Xamse Barre waxaa horuud u ah xildhibaannada ay isku beesha iyo deegaanka yihiin ee kasoo jeeda Jubbaland, kuwaa oo u arka Xamse mid loo adeegsanayo burburinta maamulka Jubbaland uu ku matelo Xukuumadda.
Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa wararku sheegayaan in durba bilowday dedaalo ay uga hortageyso mooshinka guuxiisa bilowday, waxa ayna Villa Soomaaliya xiriir la sameysay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo laga codsaday in uusan qaban mooshin aysan raali ka aheyn.
Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad, ayaa haddii uu ka badbaado mooshinkan la doonayo in xilka looga tuuro, waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Ra’isul Wasaarihii ugu cimriga dheeraa ee dalka soo mara.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com