Sirdoonka Israa’iil, ayaa gacanta ku dhigay labo askari oo katirsanaa ciidanka keydka ee maamulkaasi, kuwaa oo lagu tuhmayo in ay basaas u ahaayeen sirdoonka dowladda Iran, ayna lacago ku qaateen xogo muhiim ah ay la wadaageen.
Labadan askari ee katirsanaa ciidanka Israa’iil, ayaa hadda lagu xira goob gaar ah oo lagu weydiinayo su’aallo, warbaahinta Israa’iil ayaana baahisay in labada askari ay si hoose ula shaqeenayeen sirdoonka Iran oo xiriir lasoo sameeyay.
Askartan la xiray ayaa la sheegay inay la wadaageen sirdoonka dowladda Iran xogta goobo xasaasi ah, iyagoo u diray xogta hababka uu u shaqeeyo nidaamka difaaca maamulka Israa’iil ee Iron Dome iyo macluumaadka goobaha militari.
Sida ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil labadan askari ayaa la siinayay lacag gaareysa 3,500 dollar xog kasta ay la wadaagaan sirdoonka Iran, waxaana markii dambe shaqada uu hayay joojiyay mid kamid ah labada askari oo sheegay in shaqada uu hayo ay tahay mid halis badan.
Sirdoonka dowladda Iran, ayaana ku guuleestay in ay ka dhax ugaarsadaan ciidamada milatariga Israa’iil kana helaan xogo badan oo muhiim ah, taa oo wel wel cusub ku abuurtay milatariga Israa’iil oo laga helay xogo badan oo sir u ahaa .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com