Sarkaal ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa shaaciyay in ciidanada ay haatan gacanta ku hayaan inta badan magaalada Goma, ee ku taal bariga dalkaas.
Muhingo Nzangi, oo sidoo kale ah xildhibaanka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in milatarigu ay dharbaaxo weyn u geysteen fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto.
Si kastaba ha ahaatee, fallaagada ayaa weli ku andacoonaysa inay magaalada gacanta ku hayaan. Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay Goma, isagoo ku celceliyay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka madax-banaanida Congo.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo iyo toban qof ay ku dhinteen, ku dhawaad ​​afar boqol oo kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada socda.
Madaafiic culus ayaa shalay ilaa xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada.Fallaagada M23 ayaa shalay sheegtay inay qabsadeen magaalafa, balse dowladda ayaa sheegtay inay weli gacanta ku heyso meelaha muhiimka ah sida garoonka.
Sarkaal ka tirsan QM ayaa xaaladda magaalada ku tilmaamay mid aad u qasan, isagoo sheegay in dagaalku uu weli socdo. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dad badan ay dhinteen kadib markii bambooyin lagu tuuray goobo ay ka mid tahay xero ay ku jiraan dad gudaha dalkaas ku barakacay.
Hay’ad arrimaha gargaarka ka shaqeysa ayaa iyaduna sheegtay in isbitaallada weeraray halkaasoo ay ku dhaawacmeen carruur. Kumannaan qof ayaa ilaa haatan ka qaxaya Goma, halka kuwo kalena ay guryahooda ku xanniban yihiin.
Biyaha iyo korontada magaalada ayaa go’an. Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Rwanda ayaa iyagu isku raacay shir deg deg ah oo loo ballansan yahay berri.
Dhanka kalena, madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi oo ay qadka telefoonka ku wada hadleen xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio, ayaa wuxuu oggolaaday in wada hadallo nabadeed lala bilaabo Rwanda.
Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarka Goma, isagoo ku celiyay inay ka go’an tahay xushmeynta dhulka iyo madaxbannaanida Congo. Dowladda ayaa wacad ku martay in taako ka mid ah dhulka aysan siin doonin fallaagada M23.