Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalka Daacish ee Puntland iyo sida kooxdan looga adkaay dagaalladii hore

Puntland ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii 2024, waxay ku dhawaaqday dagaal ay ku qaaday Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Daacish.

Sida saraakiisha Puntland sheegeen, muddada uu dagaalka socdo waxay ciidamadu ku gaareen guulo iyagoo soo bandhigay godad iyo saldhigyo ay ka qabsadeen kooxda Daacish. Dhulka dagaalladu ka socdaan, waa dhul juquraafi ahaan buuraley ah oo qarfe ah kuna teedsan dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

Inta aanan guda-galin dagaalkan, aan wax ka barano kooxda ay Puntland dagaalka kula jirto ee Daacish;

Taariikha Daacish, waxay dib noogu celinaysa duullaanka Soofiyeetka ee Afgaanistaan ,oo looga adkaaday howlgal gaar ah oo ay diyaarisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo ugu dambeyntii ku dhammaaday in sannadkii 1989 laga adkaado Soofiyeetka oo laga saaray Afgaanistaan , dhammaadka isla sannadkaa ay mujaahidiinta Afgaanistaan ku guuleysteen dagaalka, waxaa tagay Afgaanistaan nin la oran-jiray Abu Musab Al-Zarqaawi, ujeedka socdaalka ninkan waxay ahayd inuu qeyb ka noqdo dagaalyahannadii mujaahidiinta ee ka dagaallamaysay Afgaanistaan, balse markii uu tagay Afgaanistaan Al-Zarqaawi ma galin wax dagaal ah, taa beddelkeeda wuxuu noqday wariye wax ku qora wargeys Islaami ah oo uu ku soo bandhigi jiray aragtiyadiisa gaarka ah .

Al-Zarqaawi ayaa sannadkii 1999 loo xiray inuu heystay hub fara badan iyo walxaha qarxa, markii uu xabsiga ka soo baxay dhammaadkii sannadkaa wuxuu Afgaanistaan ka aas aasay urur la yiraahdo Jamaacatu Al Tawxiid wal Jihaad oo loo soo gaabin jiray JTJ , ururkan oo ugu dambeyn isku rogi doona kooxda Daacish. Markii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq sannadkii 2003-dii Al Zarqaawi iyo kooxdiisa JTJ , waxay usoo wareegeen dalka Ciraaq, iyagoo ka soo guuray Afgaanistaan.

2004-tii kooxda JTJ, waxay noqotay garabka Al Qaacida ee dalka Ciraaq ,markaa oo ay weerarro iyo duullaan kala duwan ka fuliyeen gudaha Ciraaq.Sannadkii 2006 , labo diyaaradood oo ah kuwa dagaalka Mareykanka ayaa Al Zarqaawi ku dilay Ciraaq.

Sannadkii 2010-kii, nin magaciisu ahaa , Abu Bakr Al-Baqdaadi ayaa hoggaanka u qabtay kooxdii Al Qaacidada Ciraaq,iyadoo Mareykanka uu xilligaa ciidankiisa kala soo baxay dalka Ciraaq.

Hoggaaminta Al-Baqdaadi ayaa soo bandhigtay caanimada kooxda, markaa oo ay ka gudbeen Ciraaq oo ay ku fideen Suuriya , isla waqtiga ay ka bilowdeen kacdankii Carabta wada gaaray ee ‘guga Carabta’. Markii la soo gaaray dabayaaqadii 2013, waxaa kooxdii JTJ ama IS, loo beddelay kooxda Daacish , iyagoo isku magacaabay dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya, waxayna qabsadeen sannadkii 2014-kii magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Ciraaq oo ay ku jiraan Mosul, Tikrit iyo Fallujah – qabsashada magaalooyinkan ayaa ka dhigtay guushii u horreysay ee Daacish ay gaartay iyo markii u horreysay oo ay dhul ballaaraan maamullayaan si buuxda, halkii markii hore ay diri jireen dad is-qarxiya, si ay u fuliyaan weerarro.

Abu Bakr Al-Baqdaadi ayaa waqtigaa isku magacaabay hoggaamiyaha dawladda khilaafada Islaamka, markaa oo ay ahayd xilliga uu shaaciyay magaca Daacish oo hadda ay kooxdan sidato. Dunidana waxay aragtay koox aan nixin oo argagax leh oo soo bandhigtay muuqaallada iyagoo dad gowracaya, magacoodana wuxuu ku faafay dunidda oo dhan,markaa oo ay gudaha Ciraaq ka wadeen burburin iyo dilal naxdin leh, waxay beegsadeen goobaha taariikhiga ah oo ay ka mid ahaayeen masaajid.

Saameynta Daacish ee dhulka ka baxsan bariga dhexe;

Sannadkii 2014, wuxuu ahaa markii ay Daacish soo bandhigtay awoodeeda, xilligaa oo ay fuliyeen weerarro meelo ka baxsan gobolka bariga dhexe , iyagoo adeegsanaya baraha internetka, waxay Daacish xilligaa ugu baaqday taageerrayaasheeda inay weerarro ka geystaan daafaha dunidda, inta u dhaxeysay, sannadihii 2014 illaa 2017-kii, waxayna sheegteen mas’uuliyada weerarro gaaraya 100 oo ay ku jiraan weerarro ka dhacay Paris iyo London.

Weerarrada kooxda ee gaaray caasimadaha reer galbeedka, waxaa ka dhashay inay 24 kun oo weerar ka fuliyaan saldhigyada Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, si ay suragal uga dhigaan in xulafada Mareykanka iyo reer galbeedka ku soo laabtaan bariga dhexe, gaar ahaanna dhulka ay qabsatay Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo howlgalka ay ka qeybqaateen in ka badan 36 waddan oo la-dagaallamay Daacish. Bartamihii sannadkii 2017-kii ayaanna ciidanka Ciraaq waxay ku dhawaaqeen inay Daacish ka saareen magaalada Mosul, dagaallo kale oo aad u adag ayaa kooxdan lagula galay magaalada Fallujah.

Ciidan gaar ah oo Mareykan ah oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen waqooyiga Suuriya, gaar ahaanna Idlib ayaa la sheegay sannadkii 2019-kii inay dileen ,Abu Bakr Al-Baqdaadi , howlgalkaa wuxuu ku dhammaaday inuu Al-Baqdaadi isku qarxiyo god, waxaana la dhintay labo ka mid ah carruurtiisa, sida uu Aqalka Cad kaga dhawaaqay Trump.

Dabayaaqadii 2019-kii, oo ay Daacish xaqiijisay dhimashada Al-Baqdaadi, waxay ku dhawaaqeen in hoggaamiyaha ururka loo magacaabay Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi, waqti ay sii lumaysay awooddii kooxda. al-Qurashi, wuxuu ahaa qof laga fogeeyay goobaha dagaalka ee Daacish, sabab la xiriirta waxay mar walba u arkayeen inuu yahay hoggaamiyaha beddeli kara Al-Baqdaadi, tan oo xaqiijinaysa in magacaabistiisa ay ka dhignayd in hoggaamiyihii u dambeeyay ee muhiimka ahaa kooxda ay magacowday, wuxuu ku hoggaamiyay kooxda istiraatijiyadii Al-Baqdaadi,xilligaa oo ay Daacish sii waday weerarradeeda, balse inta uu kooxdan hoggaaminayay al-Qurashi,wuxuu mar soo saaray muuqaal uu ku cambaareynayo ururka xornimada u dagaallamaya ee Xamaas, isagoo ku eedeynaya xiriirka uu ururka la leeyahay Iran. Sannadkii 2023 ayaa al-Qurashi lagu dilay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen sirdoonka Turkiga. Howlgalka wuxuu ka dhacay waqooyiga Suuriya.

Ma jirin hoggaamiye rasmi ah oo ay Daacish oo bandhigtay , tan iyo dilkii al-Qurashi, kaliya waxaa la maqlay shabakadda wararka Mareykanka ee NBC News oo ka soo xigatay saraakiil ka tirsan waaxda Difaaca Mareykanka in hoggaanka Daacish uu la wareegay, Cabdiqaadir Muumin oo ah hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya oo ay hadda Puntland la-dagaallamayso. In ay jirto surtagalnimada halka ay u socoto Puntland inuu yahay goobta u ku suganyahay hoggaamiyihii u sarreeyay ee Daacish, waxay uga dhigantahay Puntland , inay sabab u noqon karto inay soo afjarto jiritaanka Daacish,tana waxay mudnaan siinaysa sida ay lagama maarman u tahay inay Puntland u aqoonsato cidda ay wajahayso iyo dagaalka inuu yahay mid caalami ah oo askariga ka dhimanaya Puntland , kaliya waxa uu u dagaallamayo inaysan ahayn sidii uu argagixiso uga saari lahaa dhulka Puntland, balse xasilloonida gobolka geeska Afrika iyo caalamka ayuu dagaalkan saameyn ku yeelanaya.

Waxyaabaha laga arkay dagaalka illaa hadda;

Dagaalka ay Puntland ku jirto ee soo bilowday, maalmihii u dambeeyay ee sannadkii 2024, illaa hadda wuxuu muujinaya inay horey u socdaan ciidanka Puntland oo isugu jira kuwa gaarka ah, ciidamada sida militariga u tababaran iyo ciidamo ka kala yimid deegaannada, balse muddada dagaalka sidoo kale waxaa la arkay , waxa ay doonayso inay sameyso Daacish, kaddib markii ay fuliyeen weerar qaraxyo ay isku soo xireen dagaallamayaan ajanabi ah oo ay ciidanka Puntland ku guuleysteen inay ka hortagaan saameynta weerarkaa, wixii ka dambeeyay weerarka , ciidanka ayaa billaabay inay horey ugu socdaan dhulka buuralayda, iyagoo tagaya xarumo ay horey u joogeen Daacish iyo dhul aan horey loo gaarin oo ka mid ah dhulka uu dagaalka ka socdo ee Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari. Inta ay horey u soconayeen ciidanka waxaa dhacay inay khasaare ka dhalatay bambooyinka ay dhulka ku aaseen Daacish oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay.

Weerarrada ay la kulmeen ciidanka iyo nooca dagaal ee ay muujinayso Daacish, waxay soo bandhigtay wax u muuqda istiraatijiyad dagaal oo ay u aragto Daacish inay faa’iido u leedahay oo ku dhisan ; Inay yareeyaan khasaaraha iyo khayraadka uga baxaya dagaalka dhanka kalena, si aan la dareemayn inay u dhiig bixiyaan ciidanka iyo midda labaad oo ah inay waqti iyo dhaqaale badan ka lumiyaan ciidanka. Sida horey looga arkay ,kooxaha sida Daacish, waxay isku arkaan inuusan waqti ku socon , halka cidda dhaqaalaha iyo waqtiga bixinaysa ay tahay ciidanka dawladda ee soo weerarray,iyagoo mar kasta diiradda saaraya inay noqdaan kuwa dagaalka hoggaamiye ee hoos u dhiga inay waqti hore khasaare la kulmaan.

Istaraatiijiyaddan ayaa ah in aan dagaal toos ah la’la gelin ciidanka dawladda oo looga baxo hadba goob, taas beddelkeeda in ciidanka miino dhulka loo geliyo, weerarro goobo fog laga soo qaadayo sida adeegsiga diyaaraha aan duuliyaha lahayn in lagu qaado goobaha ciidanka dawladda,iyadoo looga dan leeyahay in la marin habaabiyo ciidanka, waqtigaa oo lagu soo jeediyo ciidanka inay soo galaan dhul aad u adag oo aysan horey ugu dagaallamin. Sidaas awgeed, mar walba oo dagaalku daba dheeraadu waxay dhib iyo dhiigbax ku tahay dowladda. Waana sababta ay iska daba wareegga u wado kooxda Daacish.
Istiraatijiyada kooxdan ee ku dhisan inay waqti iibsato, waxay la kulmaysa dardarta howlgalka uu ku socdo, balse tan loo baahanyahay ayaa ah horumarka iyo dardarta howlgalka in lagu kabo istitaatijiyad iyo sirdoon si dhaqso ah bannaanka ugu soo saaraysa Daacish oo lagu burburinayo qorshahooda inay waqti iibsadaan, si ay u daaliyaan howlgalka.

Guushii horey kooxdan looga gaaray;

Daacish, oo burburkeeda uu ka soo bilowday Ciraaq iyo Suuriya ayaa dagaal dheer oo sannado socday, waxaa laga baran karaa hab dhaqanka kooxdan oo ku dhisan ku tiirsanaanta ajaaniibta, tan oo waqti horeba laga arkay garabkooda ku sugan buuraha gobolka bariga ee Puntland. Marka la joogo Puntland , waxay ku tahay wax adag inay Daacish horumar ku gaarto ajaanibta, xilli mar horaba qiyaasaha ay sheegayaan inaysan kooxdan lahayn awood militari iyo dagaallamayaal ay ku gali karaan dagaal dheer, taa beddelkaada muddada ay Ciraaq iyo Suuriya dagaallada kooxdan lagula jiray ay ka socdaan, waxay soo bandhigeen inay si weyn ugu tiirsanyihiin tignoolajiyada iyo qaraxyo, midda hore ayaa dhibaato ku noqon karta habka uu hadda ku socdo dagaalka buuraha gobolka bari, sabab la xiriirta kooxdan waxay heysataa ajaaniib ay ku jiri karaan injineeradii horey uga soo shaqeeyay Ciraaq iyo Suuriya, oo ay wehelin karaan fallanqeeyaal dagaal oo ku soo bandhigi kara Puntland, waxyaabo kadis ah, tana waxay muhiimad u leedahay in looga baahanyahay Puntland inay xaddido hababka u fududeyn kara inay tignoolajiyada iyo fallanqeynta dagaal ee dagaallamayaasha Daacish ay ku dhalin karaan dagaal hadda socda, mid ka mid ah waxyaabaha ay tahay in laga fogaado ayaa ah baahinta muuqaallada iyo sawirrada aan la tafatirin si aysan u fududaan in la qiyaaso tallaabada xigta iyo goobta xigta ee ciidanka ay ku socdaan, maaddama dhulka lagu dagaallamayo uu yahay aag kooban oo hadana ay xaddidantahay waddooyinka la mari karo. Inta la joogo furimaha hore waa in laga fogeeya nidaamyada ku xiran internerka iyo tignoolajiyad kasta oo la dhex geli karo, gaar ahaanna goobaha ay ka dhacayaan qorsheynta iyo fallanqeynta weerarrada ay qaadayaan ciidanka oo ay ku jiraan halka ay sidoo kale saraakiisha sare ku suganyihiin, iyadoo markaa la dhisayo goobaha xaddidan oo laga mamnuucayo inuu qof walba tagi karo. Mid ka mid ah guulaha ay Ciraaq ka gaartay Daacish waxay ku timid in gadaal la geeyay ciidanka huwanta oo la hormariyay ciidamo leh khibrad dagaal oo ay la socdaan saraakiil istiraatijiyada iyo qorsheynta dagaalka ku wanaagsan,waxaana la xaddiday in la soo dhex geli karo ciidanka, si aysan u bixin xogo sirdoon, kaddib markii Ciraaq ay la kullantay khasaare badan oo gaaray huwantii ka socday dawladda iyo qowmiyadaha Ciraaq. Si la mid ah waa inay safka hore dagaalka uu noqdo mid dhab ah.

Ciraaq inta ay ku jirtay dagaalka Daacish, waxay baratay inay muhiimad leedahay in kooxdan goob kasta oo lagula dagaallamayo la go’doomiyo, lagana hortago inay iyagu dagaalka hoggaamiyaan oo ay ku qasbaan ciidanka inay horey u socdaan,iyada goobta la tagaya aan la xaqiijin,tan oo ay ku gaarayaan istiraatijiyadooda inay weerarro gaadmo ah oo qaraxyo ah soo qaadaan, sidoo kalena ay ku jiidaan ciidanka goobaha ay bambaanooyinka ku aaseen, waxa muhiimka ah ee hadda looga faa’iideysan karo dagaalka Puntland ayaa ah in iyadoo la tixraacayo khayraadka hooseeya iyo tirada dagaallamayaasha aan awoodin inay dagaallo dhowr jiho ah galaan, in isla habkan oo Ciraaq ay adeegsatay inuu noqon karo mid waxtar leh in dagaal dhinacyo kala duwan ah lagu furo kooxda Daacishta ee buuraha bariga ku sugan, waqtiga ay ku jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumalaysana buuraha gobolka bari waa xilli aysan geli karaan dagaal ballaaran, mar kasta oo cadaadiska lagu kordhiyo oo dagaal jiho kala duwan ah ay la kulmaan, waxay soo dedejinaysa khilaaf hoggaanka kooxda dhexdheeda ah, sabab la xiriirta inay isku diiddi karaan habka ay dagaalka ku galayaan, maaddama mar horaba ay jiraan xogo sirdoon oo sheegay in kooxda ay doonayso inay hesho waqti ay ku heli karto awood ay ku dagaallanto , xilligana ay ka fogaanayaan dagaal toos ah oo saf ballaaran. Halkan ku joogso, mar kasta oo cadaadiska uu ku kordho waxay kooxdan sameyn karaan weerarro ka dhaca meelo ka fog goobta dagaalka, sida magaalooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda, tana waa in si adag loogu diyaar garoobaa oo goob kasta oo dawladeed iyo aaggaga dadka ku badanyihiin sirdoon ,tignoolajiyad iyo in amnigooda si adag oo ilaaliyo la isugu daraa, sababtoo waa dagaal waxa lagu jiro, ma aha dagaal maleeshiyo, waa dagaalka Daacish oo aan cidna u nixi doonin,haddii ay arkaan in laga guuleysanayo..!

Mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee kooxdan lagu jabiyay ayaa ah midnimada, oo hadda uu helayo dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, wuxuuna dagaalkan heysta midnimada bulshada oo diiradda saaray taageerrada ciidanka dagaalka ku jira, maaddama ay dagaalka ka qeybgalayaan ciidamo ka yimid deegaanno kala duwan oo aan qaarkood ahayn kuwa dawladda, waxaa muhiimad leh in la isku dhafo ciidanka deegaannada ka yimid ee taageerraya ciidamada dawladda ee dagaalka ku jira, si loo dhimo khasaare hal dhinac iyo hal goob gaari kara. Sidoo kale taageerrada bulshada oo garwaaqsan inay Daacish tahay koox argagixiso oo aan naftooda ka ammaan heli doonin, waxa ay damacsanyihiina ay tahay inay sameeyaan wixii lagu arkay Suuriya iyo Ciraaq, waa in sare loo qaada sirdaanka bulshad ee deegaannada ku hareereysan goobaha dagaalka, ee soo gudbin kara xoogaha dhaqdhaqaaq, isla waqtigaa oo lala dagaallamaya khadadka saadka iyo dhaqaalaha ee u dhex yaalla kooxda gudaha magaalooyinkan.

Ugu dambeyntii, kooxda Daacish waxay leedahay waji wasaqeysan oo naxaris darran, istiraatijiyad warbaahinta ee faafinta iyadoo la adeegsanayo luuqado kala duwan, gaar ahaanna luuqadaha kooxaha ajaaniibta ee kooxdan waa in dib loo faafiya sheekooyinka wajiga arxan darrada ah ee kooxdan , isla waqtigaanna si weyn loo tafatiraa muuqaallada baxaya ee ka imaanaya goobta dagaalka , sabab la xiriirta in toddobaadyada dagaalka uu soo muujiyay inaysan xoogganeyn habka tafatirka muuqaallada iyo sawirrada oo fududeyn kara in kooxda ay gododkooda iyo goobaha ay ku dhuumanayaan ay ku gaaraan xogo ku filan oo ay weerarro khasaare dhalin kara ku geysan karaan, mid ka mid ah khaladaadka ay tahay in laga fogaado ee mar hore la arkay waa soo bandhigista sawirrada xogta ku saabsan dagaallamayaasha ajanabiga ah ee Daacish oo si ula kac ah looga tagi karo saldhigyada ay kooxdan ka baxsanayaan, iyagoo uga dan leh inaysan ajaaniibta la joogta firxan oo ay ka dhigaan kuwa la aqoonsaday oo aan lahayn dookh aan ahayn inay dagaallamaan. Dagaalka wuxuu u baahanyahay waji dhab ah oo istiraatiji ah , si la mid ah waa inuu dagaalka helaa hoggaamiye dhab ah , si la mid ah in khudbadaha hoggaamiyayaashii Ciraaq iyo Suuriya, waxay dhiirrigeliyeen dagaalka, si taa la mid ah waa in la dhisa qolka howlgelinta oo ay ka soo baxayaan wax kasta oo ku saabsan dagaalkan, sida khudbado leh hadallo ku filan dagaalkan oo ka imaanaya hoggaamiyayaasha sare oo uu ku jiro madaxweynaha.

Hadda, waxaa soo dhammaaday warbixinta, waxaan rajeyn inan dib usoo cusboonaysiin doono faallooyinka dagaalkan. Waxaan kaga tagay fikradaada.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Madasha TICAD

Cabdi Cade

Amaro adag oo lagu soo rogay Hay’addaha ka Howlgala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo baaq u dirtay Maamulada Somaliland iyo Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---