Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, oo xabsiga ku jira, iyo xaaskiisa Bushra Bibi ayaa Isniinta maanta ah rafcaan ka qaatay xukunno musuq-maasuq oo lagu riday, sida uu sheegay qareenkiisa.
Imran Khan, oo 72 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto 2023, isagoo wajahaya ku dhawaad 200 oo dacwadood oo uu ku tilmaamay kuwo loogu talagalay in lagu cadaadiyo siyaasad ahaan.
Xiddiggii hore ee cricket-ka ayaa bishan lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, halka xaaskiisa, Bushra Bibi, loo xukumay toddobo sano.
“Waxaan shalay gudbinay rafcaanka, waxaana maalmaha soo socda la marsiin doonaa habraacyada xafiisyada, ka dibna waxaa loo go’aamin doonaa waqti dhegeysi,” ayuu yiri qareenka Khan, Khalid Yousaf Chaudhry, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP isagoo ka soo baxay maxkamadda sare ee Islamabad.
Tan iyo markii la xiray, Khan waxaa la xukumay afar mar, iyadoo laba xukun laga noqday, halka labada kale xukunadooda la hakiyay.
Maxkamad gaar ah oo u qaabilsan dacwadaha musuq-maasuqa ayaa lammaanahan ku heshay dambi ah “musuq iyo falal musuq-maasuq” oo la xiriira hay’ad samafal ah oo ay wada aasaaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.
Dhegeysiga dacwaddan, oo saddex jeer dib loo dhigay, ayaa xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ku tilmaamay in loo adeegsanayo xeelad lagu cadaadinayo Khan si uu uga tanaasulo siyaasadda.
Imran Khan ayaa ka hor inta aan lagu xukumin sheegay in si dadban loola soo xiriiray, laguna wargeliyay fursad ah in loo wareejiyo xabsi guri, kaasi oo ah gurigiisa weyn ee ku yaalla duleedka Islamabad.
Bushra Bibi, oo ah haweeney caan ku ah daawaynta ruuxiga ah, ayaa guursatay Khan wax yar ka hor doorashadii 2018 ee Imran Khan uu ku guuleystay. Waxay hadda ku jirtaa isla xabsiga uu ku jiro Khan, oo ku yaalla magaalada Rawalpindi ee u dhow caasimadda Islamabad.
Hal sano kadib doorashooyinka
Caannimada Imran Khan ayaa weli dhaawacaysa xukuumadda isbahaysiga ah ee aan cagaha adag ku taagneyn, taas oo xisbigiisa PTI ka reebtay doorashooyinkii sanadkii hore.
Inkasta oo uu ku jiro xabsi, Khan ayaa weli awood u leh inuu saameyn siyaasadeed ku yeesho dalka, isagoo si joogto ah uga soo diraya farriimo ku dheehan dhaliilo xooggan oo uu u jeedinayo dowladda. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday inuu dacwadaha kaga dagaallami doono maxkamadaha.
Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa bilihii la soo dhaafay saameeyay magaalada Islamabad, waxaana xisbigiisa PTI uu ku dhawaaqay in mudaharaadyo cusub la qaban doono bisha soo socota si loo xuso hal sano guuradii doorashooyinkii lagu muransanaa ee ay hareeyeen eedeymo musuq-maasuq ah.
Todobaadkii hore, Khan ayaa joojiyay wada-hadallo uu la lahaa dowladda, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Khan, oo xilka ra’iisal wasaaraha laga qaaday markii codka kalsooni kala noqoshada loo qaaday sanadkii 2022, ayaa tan iyo markaas ku hawlan olole siyaasadeed oo aan horay looga baran, isagoo si toos ah u dhaliilaya saraakiisha awoodda badan ee milateriga Pakistan.
Khabiirro siyaasadeed ayaa aaminsan in hoggaanka milateriga Pakistan ay yihiin kuwa go’aamiya cidda dalka talada ka qabata, inkasta oo saraakiisha milateriga ay marar badan beeniyeen inay farageliyaan siyaasadda.
Guddi khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sanadkii hore shaaca ka qaaday in xarigga Khan “uusan sharci ku salaysnayn,” isla markaana uu u muuqdo mid loogu talagalay in looga reebo ka qeybgalka doorashooyinka.
Khan waxaa laga mamnuucay inuu ka qaybgalo doorashadii bishii Febraayo ee sanadkii hore, iyadoo xisbigiisa PTI uu la kulmay cabburin baahsan oo ay ku jiraan xarigyo badan oo lala beegsaday taageerayaashiisa.
Inkasta oo PTI ay ka heshay kuraas ka badan xisbiyada kale, haddana isbahaysi loo arkayay mid u jilicsan saameynta milateriga ayaa awoodda ka hor-istaagay xisbiga Khan.
Source Voa