Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab iyo dowladda oo raadinaya Wariye Liban Mustaf Isak

March. 24. 2024 Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya ayaa waxa ay albaabada iskugu dhufteen xafiiskii Durdur media ee magalada Mogadishu , waxaana ay xireen qaar ka mid ah shaqaalahii xafiiskaas ka howl galayey.

Durdur media Group oo ah warbahin u shaqeysa qaab online ah ayaa lagu eedeeyey iney soo gudbiyeen muqaalo ay ka dubeen gabdho fanaaniin ah .

Kooxda Alshabab ayaa horey u gu hanjabtay iney dili doonaan camera-man liiban, oo soo duubay muuqaalka faananadda Fartuun Balbalaarka oo heesta qaadeysay kaliya iyadoo surwaal xeran .

Sidoo kale qaar kamid ah culumaa’udiinka Soomaliyeed ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku sheegeen in warbaahinta Durdur media meel ugu dhacday dhaqanka Soomaaliyeed iyago ka codsaday dowaladda Soomaaliya in talaabo laga qaado warbaahinta nuucaan ah.

Sikastaba waxaa maanta gabi ahaanba xeran xafiiska iyado camera-man liibaan aan la ogeen halka uu ubaxay maadaama kooxda alshabaab iyo booliiska Soomaaliyeed, odiyaasha dhaqanka iyo culuma’udiinka soomaaliyeed ay u arkaan qof lid ku ah dhaqanka Soomaliyeed.

Waxaa sannad ka hor dalka Mareykan iska dhiibay Hassan Mustaf Isak ( Hassan Top) oo ah walaalka ka weyn ee Liban Mustaf Isak, inta badan dhalinyarada wariyeyaasha ka ah ayaa cadaadis xoogan kala kulmo dowladda, kooxaha shabaab iyo ISIS iyagoona ugu hanjaba dil.

Related posts

Israel oo xasuuq arxan daro ah ka wada Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar ay dhashay Ilhan Cumar oo fariin culus u dirtay Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Dareen caynkee ah ayay shacabka u hayaan Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre ?

admin
Taboola Ads ---