Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka qarxay gobolka Hiiraan

Dagaallo u dhaxeeya ciidaamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaa maantay ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka gobolkaasi

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeeyso magaalooyinka Buulo Burde iyo Halgan, gaar ahaan deegaano ku dhaw tuulada Beera Yabaal .

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay taageerayaan ciidamada degaanka ee maleeshiyada qabaa’ilku ay weerareen aagaga ay isku urursanayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab

Sida ay dadku deegaanku soo weriyeen dagaal aad u culus ayaa halkaasi ka dhacay iyadoo markii danbe ay isgaarsiintu hawada ka baxday waxaana markaasi adkaatay in warar rasmi ah laga helo.

Wararka ayaa sheegay in dhaawcyo iyo dhimasho ay jiraan kuwaasoo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya, inkastoo aan laga helin tirakoob sax ah.

Saraakiisha ciidamada DF ayaa sheegaya in dagaalkaas looga saaray Al shabaab degaano ay ka mid yihiin Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.

Dagaalka ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan Taliyeyaasha Milateriga iyo Agaasimaha Nabadsugida ay halkaasi ka wadeen abaabuul ay ku doonayaan in ay Alshabaab kaga saaraan meelaha ay Gobolka Hiiraan uga sugan yihiin, gaar ahaan agagagaarka Webiga Shabelle.

Related posts

Axmed Madoobe oo dallacsiiyay sargaal lacag lagu siiyay in uu afgambiyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkadda DIGNITAS oo soo saartay qalab yaab leh iyo muran ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---